Madaxweynaha Israa’iil oo sheegay arrinka ay sameyaan mar walbo ka hor inta aysan weerarin Gaza

Madaxweynaha Israel ayaa sheegay in dawladda Israa’iil ay u hogaan sameyso sharciga caalamiga ah maadama dignino udiraan shacabka Gaza ka hor inta aysan weerarin.

Waxa uu sii raaciyay in Israa’iil ay dadweynaha Gaza. u dirtay “in ka badan lix milyan oo fariimo qoraal ah oo ay samaysay afar milyan oo wicitaan taleefoon ah” “Sida uu qabo qawaaniinta sharciga caalamiga ah,” ayuu sii raaciyay, Israa’iil waxay digniin u dirtay muwaadiniinta ka hor talaabo walbo oo ay Israel qaaddo, “oo uu ku jiro weerarkii Jabalia”.

“Waxaan rabnaa inay ka guuraan goobaha la duqeeyay…inaad ka guurtaan si aan u galno Gazo iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah oo aan u difaacno dadkeena.”

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inay jireen “xadgudub cad oo sharciga caalamiga ah” oo Gaza ka dhacay .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker