Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Kulan la qaatay Madaxda Hay’adda EUCAP.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa kulan la qaatay madaxda Hay’adda EU-CAP, taasoo ilaalinta Badaha u qaabilsan Midawga Yurub.
Kulankan intii uu socdey waxaa lagaga wadahadlay Iskaashiga labada dhinaca iyo wada shaqaynta Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo EU-CAP, iyadoo ay heshiin ku wada jiraan Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL iyo Hay’adda EU-CAP.
Sidoo labada dhinac ayaa ka wadahadlay joojinta iyo ilaalinta Badda dheer ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo labada dhinac iska kaashanayaan ka wada shaqaynta amaanka Xuduudaha Badda.
EU-CAP waxaa ka socdey Kanneth Neijnes Madaxa Xafiiska EUCAP ee Somaliland, Jose Mario Kuxigeenka Xafiiska EUCAP, Mahad Ahmed Xidhiidhiyaha EUCAP iyo Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaa kulanka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Lataliyaha Wasiirka ee dhinaca Xidhiidhka Hay’adaha Siciid Yuusuf Cabdi Siciid iyo Agaasimaha Waaxda Gender ee Wasaaradda Arimaha Gudaha khaalid Ibraahim Cumar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker