Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeedinaya Shirka Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Dhab ahaantii xanuunkan safmarka ah ee COVID-19 waxaa uu noqday dhibaato weyn oo aan hore loo arag. Dad badan waxa ay waayeen naftoodii, inta hartayna waxa uu saameeyey nolol maalmeedkooda, waxaana soo wajahday xaalad culus oo ay ku adkaatay in ay si dhakhso uga soo kabtaan dhibaatooyinka ka dhashay xilligan adag.
In kasta oo duruufaha iyo awooduhu ay kala duwan yihiin: Waxaan si dhab ah u aaminsanahay in innagoo mideysan aan awoodi karno in aan wadajir uga soo kabanno dhibaatooyinkaas, ahaanana kuwo dhiirroon oo rajo qaba.
….
Cudurkan COVID-19 waxa uu ina baray in marka masiibooyin dhacaan aynu si wadajir uga hor tagno. Waana arrin mudnaa in Kalfadhigan 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu noqdo mid diiradda lagu saaro “Xoojinta adkeysigeenna annagoo ka faaiideysanayna rajada iyo yididiiladeenna.
…..
Waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si degdeg ah uga jawaabtay Cudurkan Safmarkan ee u soo tallaabay dalkayaga. Qorsheyaashayadu waa kuwo mudnaanta koowaad siinaya badqabka caafimaad ee muwaadiniinteenna.

Dhammaan awooddeenna qaran iyo raasumaalka la heli karayba waxaan isugu geynay badbaadada nolosha dadkeenna, iyada oo loo marayo bixinta adeegyada caafimaad ee tooska ah, wacyigelinta iyo isdhaafsiga xogaha.
……
Soomaaliya, waxaa naga go’an inaan hubinno in tabaha soo-kabashada qaranku ay waafaqsan yihiin Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka. Ubucda arrintani waxay diiradda saareysaa dib-u-dhiska bulsho Soomaaliyeed oo xooggan, oo wada -jirta, ayna aasaas u yihiin hay’ado xooggan.

Dhaqaalaha Soomaaliya waxaa si weyn u saameeyay masiibada COVID-19 sida la mid ah dunnida inteeda kale, laakiin tani nagama hor istaagin inaannu sii ambaqaadno dib-u-habaynta dhaqaalaha Dalka. Guulaha aannu ka gaarney dib-u-habaynta dhaqaaluhu waxay kor u qaadeen kalsoonida u dhexaysa dawladda Soomaaliya, dadweynaha iyo Saaxiibbada Beesha Caalamka, waxayna guulahaasi gacan ka geysteen bixinta adeegyada aasaasiga ah ee dadweynaha.
..
Dib-u-habaynta dhaqaaluhu waxa ay fure u tahay soo kabashada iyo horumarka Soomaaliya. Sidaas darteed, waxaa naga go’an inaan sii wadno kobcinta dakhliga gudaha, xoojinta hufnaanta maaliyadeed iyo maamul wanaagga, sidoo kale inaan si dhow ula shaqeyno dadkeenna iyo dhammaan saaxiibbadayada naga taageera horumarinta, si aan u xaqiijinno in ka soo kabashada Soomaaliya ee saamaynta safmarka COVID-19 ay noqoto mid deg deg ah oo waarta.

o…wladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dhawrto mas’uuliyadda caalammiga ah ee ilaalainta deegaanka. Soomaaliya waxay leedahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer adduunka oo uu ceegaago khayraad aad u badan iyo dhul beereed aad u ballaaran. Runtii, kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya ayaa xilligan iyo mustaqbalka ba ah taajkii dhaqaale ee dalka, sida keliya ee ay dadka Soomaaliyeed uga faa’iideysan karaan ayaana ah in la ilaaliyo deegaanka. Si kasta ha ahaatee, Soomaaliya waxaa soo maray natiijooyinkii xanuunka badnaa ee ka dhashay kulaylka dunnida ee sii kordhaya.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Soomaaliya, waxaan si weyn u aaminsannahay in midnimada iyo wadajirka caalamku uu dhammaanteen inoo horseedayo barwaaqo iyo horumar. Dunidan maanta isku xiran ee isku tiirsan, carro-edegayntu na ka hirgashay waxaa laga ma maarmaan ah inay hirgeliyaan iskaashi, wada-shaqayn iyo maamul wanaag.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aamminsan tahay in QM lagu soo nooleyn karo dib-u-habayn lagu sameeyo qaab -dhismeedkeeda maamul oo ay tahay in uu noqdo mid ka tarjumaya isbeddelka dunnidan aynu maanta ku nool nahay. Sidoo kale, Qaramada Midoobey waa inay saamayn weyn ku yeelataa nolosha dadka iyada oo diiradda la saarayo nabaynta iyo dejinta istiraatiijiyado la jaanqaadaya Yoolasha Horumarinta Waarta.

Intaa waxaa sii dheer, si loo dardar saamaynta waxqabadyada Qaramada Midoobey ee adduunka oo dhan, waa inaan xoojinno maalgashiyada ku dhisan dheef-wadaagga, si looga gudbo caqabadaha maaliyadeed ee uu Ururku wajahayo waqtigan lagu jiro dhibaatooyinka caalamiga ah, gaar ahaan adduunka soo koraya.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si hagar la’aan ah uga shaqeyneysaa sidii dadkeeda u gaarisiin lahayd Yoolasha Horumarka Waara ee Qaramada Midoobay, annaga oo xoogga saarayna la dagaallanka argagixisada caalamiga ah, maalgelinta adeegyada aasaasiga ah ee dadweynaha, wax ka qabashada musuqmaasuqa, iyo dhiirrigelinta maamul wanaagga iyo siyaasadda loo dhan yahay.

Waxaa hadda meel gabagabo ah noo maraya hannaanka qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye. Doorashooyinkani waxay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan taabbo gelinta xuquuqda ay haweenka iyo dhallinyarada u leeyiin inay matalaad dhab ah ku yeeshaan masraxyada siyaasadeed iyo hoggaaminta dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker