Wakiilka QM ee Somali iyo Somaliland James Swan oo war cusub kasoo saaray doorashada Jubaland ee berri iyo waxa uu doonayo inay xigaan

New York (OWN) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Somaliland , James Swan ayaa mar kale maanta khudbad uu ka jeediyey golaha ammaanka kaga hadlay xaaladda doorashada Maamul goboleed ka  Jubaland.

 

James Swan ayaa ku celiyey inay boorinayaan hanaan doorasho oo mid ah islamarkaana la isku raacsan yahay oo ka dhaca Jubaland.

Waxa uu ka digay in haddii aan taas la helin oo lagu Loolamo natiijada doorashada ay jiri karto halis xooggan oo ah xasilooni darro ka dhacda Deegaanada Jubaland ee Somalia.

“QM iyo saaxiibada caalamka waxay dhammaan dhinacyada ku booriyeen inay sameeyaan isu tanaasul iskuna raacaan waddo horey loo qaado, balse Nasiib darro waqtiga ayaa aad u gaaban” ayuu James Swan u sheegay golaha ammaanka.

 

By Suxufi Sinyoore Hargaysa Oodweynemedia office

 

James Swan ayaa ka digay in xasilooni darro ka dhacda Jubaland aysan halis gelin doonin oo kaliya maamulkaas, balse ay saameyn doonto arrimo badan oo muhiim u ah Soomaaliya, sida doorashooyinka 2020, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Wax kasta oo ay noqotaba natiijada doorashada madaxweynaha Jubaland ee berri, waxaan ka codsanayaa dhamaman dhinacyada ku lugta leh inay is-xakameeyaan, kana reebtoonaadaan rabshado, oo walaacyada ay qabaan ay ku xaliyaan wada-hadal” ayuu yiri James Swan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker