Qoollay Qoor-qabasho kuma Biyo Cabto !

Waxay ahayd 17 bishii April 2013, Raisal Wasaaraha Talada UK xiligaas hayay oo ahaa Mr David Cameron waxaa ku mashquulsanaa oo u fidsanayd ana u taallay gogoshii Tacsida ee Raiisal-Wasaare Margaret Thatcher oo go’day 8 dii bisha April laakiin aaskeeda loo ballansanaa in la xabaalo 17kii April 2013. Waxa kale oo David Cameron iyo Xukuumadiisu ay ku dhex jireen qabanqaabada Shir ay Dawlada Soomaaliya iyo Caalamka ugu qabanayeen magaalada London 7tii May 2013 shirkaas oo ay Xukuumadii Siilaanyo ganafka ku dhufatay inay ka qayb gasho.

Hadaba iyada oo waxaas oo mashquul ahi uu haysto Raiisal Wasaare David Cameron iyo Wasiirkiisii arrimaha debeda William Hague ayay go’aansadeen inay Madaxweyne Siilaanyo ay ku martiqaadaan kuna qaabilaan Xafiiska Raiisalwasaaraha ee Number 10 Downing Street si ay ugu qanciyaan in Somaliland ay ka soo qayb gasho shirkaas Somalida loo qabanayay ee Caalamka oo dhamina uu ka soo qayb galayay.

Intii uu kulanka labada dhinac socday waxaa ka mid ahaa erayadii uu isticmaalay David Cameron in ay Somaliland iyo UK uu ka dhexeeyo Cilaaqaad aad u dheer, hadii ay Somaliland shirka ka maqnaatana ay waji gabax ku noqonayso UK, sidaas darteed ay Somaliland Shirka ka soo qayb gasho. Madaxda Dalka UK waxa ay isku qanciyeen oo ay filayeen in aan marnaba Siilaanyo MAYA odhan doonin codsigooda kol hadii ay Raiisal Wasaaraha iyo Wasiirkiisii Arrimaha Debadu ay Sharfeen oo ay Number 10 Downing Street ay ku qaabileen

Kulankaas heerkiisu uu sarreeyay waxa ay Jamhuuriyada Somaliland u ahayd guul aad u weyn oo Diblomaasiyadeed in markii u horreysay Taariikhdeeda uu Madaxweyne Somaliland ka socdaa uu la kulmo Raiisal Wasaaraha ingiriiska oo waliba uu lagu qaabilo Xafiiska Raiisal-Wasaaraha ee Number 10 Downing Street taasina waxay sharaf weyn u ahayd Somaliland.

Hadaba Madaxweyne Axamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Xambaarsanaa Danaha Dalkiisa iyo Mustaqbalka Dadkiisa isla markaasna aan ka dhex arkaynin wax dan ah oo Somaliland ugu jirtay inay ka qayb gasho shirkaas 7da May, waxa uu David Cameron si kalsooni leh ugu sheegay oo uu ku yidhi naga raali ahaada anagu shirkaas ka qayb geli mayno, guulbaanu se idiin rajaynaynaa inuu si fiican idiinku qabsoomo.

Maalintii uu Shirku furmayay waxa uu Madaxweyne Siilaanyo Maqaal dheer oo Garnaqsi ah uu ku qoray Wargeyska Afka-dheer ee caanka The Guardian Newspaper oo uu si qoto dheer ugu sharraxay Sababta ay Somaliland ku diiday ka qayb-galka shirkaas.

Hadaba waxaa halkaas ka cad oo Hubaal ah in aan waligeed Somaliland waxba loo yeedhin, lana qasbin, go’aanka Madaxbanaanideeduna uu yahay go’aan shacab oo Afti Qaran lagu ansixiyay, cid wax ka bedeli kartaana aanay jirin Madaxweyne iyo Xukuumad midna.

Hadaba Dadweynaha reer Somaliland waxaan usoo jeedinayaa inaanay dhegaysan Tashuushka iyo Shakiga lagu soo dhex tuuray, ee ay ku kalsoonaadaan Xukuumadooda iyo Madaxweynahooda,

Cadawga Somaliland iyo Dawladaha Shisheeye ee ku fikiray in ay culays saaraan Shacbiga iyo Xukuumadooduna waa inay ogaadaan in ay reer Somaliland yihiin dad XOR ah oo Sharaf leh oo aan waxba loo yeedhin, waxna lagu sandullayn, Madaxbanaanidoona ay tahay go’aan Shacbi oo aan cidina waxba ka bedeli karin.

Hashaan Gaadde-weynow Libaax uga Gabboon waayay,
inaan Goroyo-cawl uga tagaa waa hal soo gudhay
(Abwaan Timacade) Allah yarxam,

Somaliland looma dardaar weriyo.

Halkan hoose ka akhri Maqaalkii uu Madaxweyne Siilaanyo ku qoray Jariidada the Guardian oo uu ku beegay maalintii uu Shirku Furmayay.

https://www.google.co.uk/amp/s/amp.theguardian.com/commentisfree/2013/may/07/london-somalia-conference-somaliland

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Bristol. UK

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker