Mala-awaalka FOREX: Dhacdo Aan Usoo Joogay

Waxay ahayd dhamaadkii sanadii tagtay 2019 xilliga sheekada FOREX ay noqotay mida ay ugu  hadal-haynta badan yihiin Soomaalida joogta Istanbul/Turkiga. Waxaa cajiib ahayd sida looga dhargay, wakhtiga kooban ee lacagta lama filaanka ah laga sameeyay, Isbadalka kamuuqda heerka nololeed iyo muuqaalka dhalinta dada yar ee dhex muquuratay, iyo dabcan rajada quruxda badan ee qofkastaa sawiranayay.

 

Sheekadii dadku waxay kabixi wayday hebel intaasoo boqol oo kun buu sameeyay, hebelna intaasoo malyan buu sugayaa, hebelna guryuu gattay oo waxaa u maqan dhalashada Turkiga. Qofkii qof lakulmaana waxa ugu horeeya ee uu waydiiyo waa intee lacag haysaa oo kuu xareeyaa si laguugu shaqeeyo si 40 maalmood gudahood aad  %100 oo faa’iido ah u qaadatid.

 

Dadkii waxaa wada qaaday hunguri qofkastaana wuxuu raadinayay cid uu lacag ka aruursho oo komishan  kaqaato faa’iidada ay dhali doonto lacagtu. Waxaa samaysmay silsilad isku taxan oo kala saraysa oo dillaalo ah. Qofka lacagta iskaleh iyo kan xafiiska FOREX ka jooga waxaa u dhaxaysa ugu yaraan 2 ama saddex dillaal mararka qaar.

 

Waxaa caadi noqotay magac-dhabidda iyo ka sheekaynta lacagaha aadka ufaraha badan oo malaayiinta doollar gaaraysa. Waxaad suuraysataa qof dhalinyaro ah oo laga yaabo in bilo kahor dhawr boqol oo doollar biil loogu soo diri jiray oo layaabkeede gacanta ku hayya boqolaal kun oo doollar amaba malaayiin doollar oo uu wakiil kayahay. Laga yaabo inuusan waligiis shaqaynin ama labo-labo ku darin.

 

Maadaama aan lacagtaan faraha badan Turkiga lasoo galin karin, waxaa caadi iska noqotay in lacag malaayiin doollar ah inta suuqa madaw laga soo qaado boorso lagula dhex xaragoodo magaalada. Dhalinta qaybtood waxay ii sheegeen in lacag dhawr malyan oo doollar ah ay baabuurta, xafiisyada iyo guryahoodaba ku hayn jireen!. Arintaan waxay khattar ku ahayd lacagta iyo naftoodaba.lkn uma muuqan khattartaas.

 

Marar badan oo aan goob joog ka ahaa doodo la xiriira khattarta arintaan leedahay iyo in shaqadaan aysan sidaan maqcuul ku ahayn waxna ka-khaldan yihiin, waxaa dadkii shakkisanaa lagu qanciyay in latusay lana taabsiiyay lacag fara badan oo laga sameeyay FOREX, dadkii lacagtaas ka sameeyayna ay ka sheekeeyeen macaanka ay leedahay in aad ku taajirtid wakhti kooban adigoo aan dhabarka shaqo isaga jabin, waxaana caan baxday weedha ab ( Jiifso oo Jaq).

 

Nin sxbkay ah baa markuu is hayn waayay, wuxuu go,aansaday inuu bal tijaabiyo, wuxuunatagay mid kamid ah xafiisyada bal si uu uga waraysto siday ushaqeeyaan, waxay u sheegeen in suuqyada caalamiga ay qaab online ah saamiyo oga iibsadaan, kadibna ay iska sii gadaan! sidaasna lacag badan kusoo gasho!. Wuxuu waydiiyay oo FOREX kama shaqaysaan miyaa? Waxay ku dhaheen maya waa horaan kawaynaanay.

 

Ugu dambayn sxbkay lacagtii uu u dhiibay waxay dhashay %100 mudo bil gudaheed ah! Isagoo yaaban buu lafihiisii iyo faa’iidadiiba soo qaatay. Kadib wuxuu ku qancay in meesha shaqo kasocoto oo faa’iido si fudud lagu helayo lkn isagu uusan sibuuxda u fahmi karin. Dabcan wuxuu ka shakisanaa is-qaadashada sheekada looga sheekeeyay iyo faa’iidada uu qaatay.

 

Dad badan oo bilawgii shakisanaa sida sxbkay baa ugu dambayn ku qancay kadib markay indhahooda saareen ama dhadhamiyeen faa’iidada ay dhashay lacagtoodii. Iyagoo ka shallaysan in shakkiga iyo cabsidu kabaajiyeen lacag badan oo ay heli lahaayeen ayay ugu damabayn bilaabeen in ay lacag ka aruuriyaan meel kasta oo gacantoodu gaari karto, haba ugu horeeyaan qaraabada iyo tolkuye.

 

W/Q: Abdiwali Sayid

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker