Iran oo hakineysa heshiiskii Nukliyeerka ee ay Hore ula Saxeexatay Wadamada Reer Galbeedka

 

 

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa maanta ku dhowaaqay in dalkiisa uu hakin doono u hoggaansanaanta mamnuucista kaydinta macdanta Uranium-ka iyo biyaha culus, taasi oo qeyb ka ahayd heshiiskii caalamiga ee sanadii 2015 laga gaaray barnaamijka nukliyeerka dalkaas.

Heshiiskan oo Iran ay la gashay Britain, China, France, Russia, Mareykanka iyo Jarmalka, ayaa Iran ay ku ogolaatay inaysan keydsan wax ka badan 300 oo kilogram oo ah macdanta uranium-ka ee la cusleeyey ah.

Iran ayaa sidoo kale ogolaatay inaysan keydasan biyaha culus ee loo adeegsado warshadaha nukliyeerka.

Iran ayaa ogolaanshahan ku beddelatay in laga qafiifiyo cunaqabateynta dhaqaale, hase yeeshee Mareykanka ayaa dib usoo rogay cunaqabateyntaas, kadib markii madaxweyne Donald Trump uu heshiiska ka baxay.

Rouhani ayaa sheegay in dalalka kale ee qeybta ka ah heshiiska aysan kasoo bixin ballan-qaadyadooda islamarkaana ogolaadeen in xayiraadda Mareykanka ay saameyso saliidda Iran dhoofiso iyo bankiyadeeda.

Waxa uu dalalkan u qabtay 60 maalmood inay is-beddelo ku sameeyaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker