Human Rigths Watch oo Soo Dhaweysay Xadhiga Madaxweynihii Hore Ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar.

Iyada oo shalay ciidamada Booliska Itoobiya ay xabsiga u taxaabeen Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Hay’adda Human Rights Watch qoraal ay soo saartay waxa ay ku taageertay xadhiga masuulkan.

Warbixin ka kooban 88 bog islamarkana ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch bishii July ee sanadkan ayaa  tacadiyo kala duwan ku eedeysay Cabdi Maxamuud, Saraakiisha Itoobiya iyo Booliska degaanka ee loo yaqaano Liyuu ay ka geysteen Jeel ogaadeeniya.

Dowladda Federaalka Itoobiyay ayay HRW ugu baaqday in la soo xidho xubno ay sheegtay Madaxweynihii hore ee DDSI inay kala shaqeynayeen abaabulka ka dhanka ahaa xuquuqda aadanaha, islamarkaana la horgeeyo sharciga.

Abiy Ahmed Ali, Raii’sal Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya ayaa qiray in masuuliyiintii hore ee DDSI iyo ciidamada ay jidhdil u gaysteen dad rayid ah, midaasina lagula xisaabtamayo, cadaaladana la horkeeni doono.

Marka laga soo tago baaqa Human Rights Watch waxaa kaloo jira baaqyo kale oo ay jeedinayaan masuuliyiin iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha, kuwaasi oo ku qotoma in dambigii ay galeen ciqaabtiisa la marsiiyo Cabdi Maxamuud iyo xubnihii kala shaqeynayay dhibaateynta rayidka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker