Siyaasi Ramaax Oo Ku Hanjabay Inuu Kala Jabinayo Xisbiga UCID “Anigu Dhinac Ayaan Wataa, ..”

Xoghayihii Arrimaha Gudaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo shalay uun xisbiga UCID si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka caydhiyay xisbigaasi iyo waliba xilkii uu ka hayay ayaa si adag isna dhiniciisa uga jawaabay tallaabada xisbigu ka qaaday isaga oo sheegay in inaanay warkaasi waxba ka jirin isagoo ku hanjabay inuu Garab dhan oo Xisbiga ah oo uu hogaaminayo uu haysto isagoo sheegay inaanu yeelayn in ray’yigiisa lagu cabudhiyo.

Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa sheegay in aanu isagu kali ahayn ee uu fikirka uu qabay kula midaysan yahay koox xisbiga ka tirsan sida uu hadalka u dhigay waxaanu sheegay in ay maalmaha soo socda daboolka ka qaadi doonaan waxa ay falayaan iyo tallaabada xigta ee ay ku dhaqaaqi doonaan.

Siyaasi Ramaax oo   la hadlay ayaa waxa uu yidhi: “Xisbiga mabda’ ayaa lagu galaa, mabda’una maaha in koox gaar ahi tidhaahdo ra’yigaaga ma cabiri kartid, ama kooxdiinaasi ra’yigooda ma cabiri karaan, markaa waanigii Shalayba kasii afeef dhigtay, aniga wax Allaale waxay ii samaynaysaa, wax macno leh oo ay ii samaynaysaa ma jirto, oo waa kuwaa Guruubkayagii oo waadigaa arkayaba, oo indhahaaga ayaa kuu shan ah, oo aanu wada fadhino oo aanu hadana shir kasoo baxnay, kana tashanayno wixii aan shalayto ka hadlayay ee aananu ku waafaqsanayn, war jiraaba Cagaare ayuu iman, ninka wax laga saarayo iyo ninka bahalkii ihiba, nin cidlo fadhiya oo waxbaa cid kasaarayaa lihi isaga ayay qiimo darro ku tahay, Xiligeeda ayaanay iman doontaa”.

“Fasaxa Munaasibada 26-June markuu ina dhaafo ayaanu si fiican uga hadli doonaa, aniga iyo kooxdayaduba, laakiin waan jiraa, waananu joognaa, mabdayaguna anaga wuu cad yahay, meel baananu taaganahay, nin waliba waxa uu la yimaado ayuunbuu wax ku eryi ama wax ku noqon doonaa, waa la iskugu iman doonaa fagaaraha ”.

“Waxaa lagu kala adkaanayaa nin waliba inta xildhibaan ee uu haysto weeyi, Garabkii aan shalay “doraad” ku dhawaaqay waa kuwaa, anigoo Ramaax ah ayaa hadlaya, dhinac ayaan wataa, dhinacaygiina waa halkiisii, markaa meel ayay taagan tahay, markaa wax kasta oo ay soo saaraan wax iga khuseeyaa ma jiro”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker