Dowlada Maraykanka Oo Ku Baaqday In La Joojiyo Dagaalada Itoobiya

Dowlada Maraykanka ayaa ku celisay baaq ku aadan sidii loo joojin lahaa colaada ka taagan dalka Itoobiya halkaa oo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa TPLF ay sii xoogeysteen.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku baaqay in wadaxaajood degdeg ah laga yeesho xiisadda, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

“Xoghaye Blinken wuxuu muujiyay walaac aad u weyn oo ku saabsan calaamadaha welwelka leh ee muujinaya kororka militariga ee Itoobiya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si degdeg ah loogu gudbo wadahadal,” ayuu ku yidhi hadal uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Ned Price Jimcihii shalay.

Afhayeenka ayaa warkan soo saaray kadib markii Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka Blinken uu qadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa haatan horkacaya dagaalka u dhexeeya xukuumada iyo xoogagga mucaaradka ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi kaasoo in ka badan hal sano dagaallamaya.
Xukuumada Itoobiya ayaa guulo ka sheegatay dagaalka iyadoo sheegtay in ay dhul ka qabsadeen xoogaga TPLF.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker