Wasiir Ka Tirsan Dawladda Eritrea Oo La Dhaawacay.

Asmara-(OWN)-Wasiirka Macdinta iyo Tamarta Eritrea General Sibhat Efrem ayaa la sheegay inuu dhaawacay shaqsi aan haybtiisa la garan, dhaawac culus oo soo gaadhay dartiina dibadda loola cararay.

Dowladda Eritrea inkasta oo ay si rasmi ah uga hadlin dhawaca wasiir Efrem loo geystay haddana Danjiraha Eritrea u fadhiya Japan Danjire Istifaanoos Afawarqii oo cambaareeyey dhaawaca loo geystay wasiirka ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray inuu u rajeeynayo caafimaad degdeg dhaawacana uu degdeg uga bogsado.

“Sibhaat waxaan u rajeeynayaa caafimaad waxaanna si weyn u cambaareynayaa ayuu yidhi falka ay dadka fuleyga ah geysteen.”

BBC-da oo isku dayday iney arrintaan xog dheeraad ah ka hesho oo la xiriirtay dowladda Eritrea uma suuragelin iney wax xog ah ka hesho dhanka Asmara.

General Sibhat Efrem

Wasiirka ayaa lagu dhaawacay xilli uu marayey meel ku dhaw guri uu ka degganaa magaalada Asmara shaqsiga weerarka geystayna uu ahaa nin mudda badan meel ugu gabbanayey, waxayna hay’adaha amniga ee Eritrea sheegeen shaqsigii wasiirka dhaawacay iney gacanta ku soo dhigeen.

General Sibhaat wuxuu muddo 19 sano ah uu soo ahaa wasiirka gaashaandhigga Eretria, sanadihii ugu horreeyey ee ay Eritrea xornimada ka qaadatay Itoobiyana wuxuu soo ahaa duqa magaalada Asmara ahna wasiirka Caafimaadka.

General Sibhaat oo ka mid ah mas’uuliyiinta ugu awoodda badan xisbiga haya talda dalka Eritrea ee EPLF wuxuu sida oo kale xubin uu ka yahay xafiiska siyaasadda dalkaasi laga hoggaamiyo.

Xigasho:- BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker