Booliiska Uganda oo Xabsiga Dhigay dad dibadbax ka dhigayay Kampala.

Booliiska dalka Uganda ayaa waxay sheegeen in ay xidheen in ka badan 70 qof ka dib dibadbax ka dhacay caasimadda dalkaasi ee Kampala.

Boliiska ayaa isticmaalay suntan dadka ka ilmaysiisa iyo rasaas si ay u kala ceydhiyaan dibadbaxayaasha.

Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay ka cabanayeen jidhdil la sheegay in loo gaystay xildhibaan ka tirsan mucaaradka.

Xildhibaankani oo lagu magacaabo Bobby Wine ayaa sidoo kale ah fanaan caan ah.

Madaxwaynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ku tilmaamay warar been abuur ah in jidhdil loo gaystay Bobby Wine oo xabsiga ku jira.

Xildhibaankan ayaa la xidhay ka dib markii sida la sheegay la dhagaxyeeyay kolanyo uu la socday madaxwaynaha dalkaasi.

Xaaskiisa ayaa horey u sheegtay in seygeeda jidhdil loogu gaystay xabsiga dhexdiisa.

Qoyskiisa ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in xaaladiisa ay ka sii dareyso islamarkana lagu Muday waxyaabo aan la garanayn.

Bobi Wine

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker