Hogaamiyaha Ururka Daacish oo Ku booriyay Kooxdiisa In Ay Sii Dagaalanto Kadib Cajalad Cod Ah oo uu Soo Duubay.

Hogaamiyaha kooxda daacisha Abu Bakar al-Baghdadi, ayaa ugu baaqay taagerayaasha kooxdaas raacsan in ay sii wadaan dagaalka kadib fariintii ugu horeysay oo sanadkan uu diro.

Cod laga soo duubay oo ay baahisay warbaahinta kooxdaas oo lagu magacaabo al-Furqan Foundation shalay ayaa waxaa uu kaga hadlay dhacdooyinkii bishan ka dhacay bariga dhexe oo ay ka mid yihiin khilaafka u dhaxeeya turkiga iyo mareykanka ee ka dhashay xadhiga baadari Andrew Brunson.

Waxaa uu sheegay in dagaal yahanada kooxda aanay laheyn xulasho kale hadii ay doonayaan sharaf looga baahan yahay in ay cadowgooda la dagaalamaan.

Fariintan oo socotay 55 daqiiqo ayuu ugu baaqay dagaal yahanada daacish in aanay aqbalin wax aan ka aheyn shareecada islaamka.

Al-baqdaadi ayaa dhanka kale weerar ku qaaday dowladaha sacuudiga iyo imaaraadka oo uu ku eedeyay in ay taageero ku bixinayaan dagaalka ka dhanka ah kooxdiisa.

Dowlada mareykanka iyo ruushka ayuu sheegay in dhankooda ay isku hayaan awooda maamul ee bariga dhexe iyaga oo u soo maraya dagaalka ay kula Jiraan kooxda daacish.

Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday dagaal yahano ka tirsanaa mucaaradka hubeysan oo la heshiiyay xukuumada suuriya waxaana uu ku tilmaamay kuwo ka been sheegay hadafkii ay u dagaalamayeen.

Fariinta Al-baqdaadi ayaa waxay imaaneysaa iyadoo kooxda Isis badi laga saaray dhul badan oo sanadihii la soo dhaafay ay kaga sugnaayeen dalalka suuriya iyo ciraaaq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker