Haweenay dishay toddoba caruur ah oo la xukumay

Garsoore ku sugan dalka Britain ayaa kalkaaliso caafimaad ku xukumay xabsi daa’in, kadib markii lagu helay inay dishay 7 caruur ah, isla markaana ay isku dayday in ay disho lix kale oo ku jirtay cisbitaal ay ka shaqaynaysay.

Lucy Letby ayaa noqotay dilaaga carruurta ugu badan ee taariikhda casriga ah ee Ingiriiska. Garsooraha maxkamadda Manchester Crown, Justice Goss, ayaa sheegay in ay ku dhaqaaqday hab gabi ahaanba liddi ku ah dareenka caadiga ah ee daryeelka dhallaanka.

Waxa uu sheegay in ay marar badan been sheegtay, isla markaana saamaynta dembiyadeedu ay tahay mid aad u weyn. Letby waxay diiday inay timaado maxkamada si ay u dhageysato xukunka.

Raiisel wasaaraha Ingiriiska, Rishi Sunak, ayaa u sheegay BBC in dowladdu ay ka fiirsaneyso inay beddesho sharciga si dambiilayaashu ay uga soo muuqdaan dacwad dhageysiga noocan oo kale ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker