Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre oo gaadhay Magaalada Baydhabo.

Baydhabo-(OWN)-Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa gaadhay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Ujeedada socdaalka uu u tagay Magaalada Baydhabo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa ay la xidhiidhtaa ka qayb galka tacsida iyo aaska Hooyada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay geeriyootay.

Maxamed Sheekh Mursal Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya hooyadii ayaa shalay ku geeriyootay Magaalada Baydhabo, iyadoo madaxda ay ka tacsiyadeeyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker