Wararkii ugu danbeyay weerarka Alshabaab ee Degmada Balcad

Wararka laga helayo Degmada Balcad ayaa sheegaya in Masuuliyiinta maamulka Degamadu ay sheegeen in 11 qof ay ka dileen Al-shabaab tiro kalena laga dhaawacay kadib markii saakay Alshabaab weerar kusoo qaadeen Degmada Balcad

Sida uu Duqa Balcad, Qaasim Furdug u sheegay warbahinta gudaha, weerarka Alshabaab ayaa ku bilowday gaari qarax lagusoo xiray iyo weerar toos ah oo ay magaalada kusoo qaadeen, waxa uu sheegay in ay ka hortageen oo ay fashiliyeen. Gaariga ayaa ku qarxay inta u dhaxeysa Cisbitaalka magaalada iyo Ajabka

Ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya khasaaraha labada dhinac ee halkaasi ka dhacay inta uu la egyahay.

Xaaladda Magaalada Balcad ayaa hadda ah mid deggan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker