Somaliland oo ka Hadashay Dagaalka Maanta ka dhacay Laascaanood.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo ka duulaysa xabad joojintii ay ku dhawaaqday, taageeraysana Ergada Nabada ee sugan Gobolka Sool, kuwaasoo ka kooban Madax Dhaqameedka Somaliland, ayna muuqato rajo fiican oo laga qabo in guul laga gaadho colaada Magaalada Laascaanood.

Hadaba si ay isu hortaagaan hirgelinta nabada iyo xabad joojinta ayay saaka kooxo hubaysani weerar ballaadhan ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood, Ciidanka Qaranka ayaa iska difaacay weerarka lagu soo qaaday.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo fulinaya xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday awgweed waxay ku jiraan isdifaac, marnaba Ciidanka Qaranku weerar maaha.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku celinaysaa in loo hogaasamo xabad joojinta, lana aqbalo Ergada Nabada ee ku Sugan Gobolka Sool.

Cabdilaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker