Weriyaha HORYAAL TV Ee Magaalada Ceerigaabo Oo Laxidhay

Ceerigaabo(OWN) Subaxnimadii hore ee saaka ayaa waxa saldhigga dhexe boliiska Ceerigaabo lagu xidhay Weriyaha Telifishanka Horyaal uga soo warama magaaladaaasi Jaabbir Sicid Ducaale.

 

Weriyahan ayaa looga yeedhay xafiiska denbi baadhidta ee magaalada Ceerigaabo, kaddibna halkaas kolkii uu gaadhey waxa taliyaha laanta baadhista denbiyadu weydiyey weriyahan ‘Shalayto maxaad duubtay” Waxana weriyuhu kujawaabey “Waxba”. Intaasi kaddibna Taliyaha baadhista denbiyadu wuxu qoray warqadda amarka ee weriyahaasi lagu xidhay. Mana cadda ilaa haddan sababta xadhigga weriyahani kadhashay iyo waxa loo haysto midna.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker