Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL oo soo Gunaannaday Tababar Dublmaasiyadeed u socday Safiirada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa xalay soo gunaanaday shir tababar dublamaasiyadeed ahaa oo muddo todobaad  ah safiirrada Somaliland ee caalamka uga socday Bebera.

Wasiir Dr Ciise oo hadal ka jeediyey kulankii xidhitaanka ayaa sheegay in xiisihii dunida ee Somaliland si xawli ah ku soo kordhayo xilligan, isla markaana  casharada ay barteen noqon doonto khariidadda ay ku wada shaqeyn doonaan mustaqbalka.

“Dalkan maalinba maalinta ka danbaysaa xiisaha iyo xidhiidhada adduunyadu ka damacsan yihiin si xawli ah ayuu u soo kordhayaa. Casharadda aad halkan ku baranayseen muddada todobaadka  ah waxa ay noqon doontaa khariidadda (Roadmap) aynu ku wada shaqayn doono”

Wuxuu sheegay in ujeedooyinka  tababarka ay qeyb ka ahayd in safiirada dhexdoodu isbarasho yeeshaan, sidoo kalena isaga ay is-bartaan, maadama madaxda ugu sarreysa Wasaaradda Arrimaha dibeddu muddo kooban xilka Wasaaradda hayeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker