Ciida Maanso Hal abuur Qoraa Xamse Riiraash

Ciidu waa ayaan wacan,

Ciroole  iyo dadkoo idil,

Ay aroortaa ceeshaaan,

Waa farxadiyo damaashaad,

Cidhoofkoo dhan gaadha,

Cisho weeyi  yaabloo,

Waxa carrada joogaa,

caddaan ugu ahaatoo

Dadku ay caleemiyo,

Dumarkuna cilaan iyo

Qaar kalana cadar iyo,

Carfi wada udgoona badan,

Ay Ku camiraan dharkoodoo

Qaraabada  ciddoodiyo

Cindogooda joogtiyo

Caalamkaa dhamaantii,

Salaan aad  u caaniyo,

Nabad ku ladhan caaniyo,

Cimri badan jireysa

Caynkeeda u diraanee

Ciid wacan dhamaantii

hamse riraash

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker