MA OGTAHAYSE IN DIGREETADII U DANBAYSAY EE MADAXWEYNAHA INAY SADDEX XIL OO UU MAGACAABAY BEESHIISA AHAYD (laba agaasime guud iyo wasiir)

HADDII UU KOLAYBA CAASHAQA BEESHIISA KA BADHEEDHAYO JAMAAL MUU U DHIIBO MAALIYADDA.

Handaraab Waa Kelmad Soo Baxday Intii Maamulka Muuse Biixi Talada Qabtay.

Waa Magac Ka Dhashay Sawirka Kasoo Noqonaya Hanaanka Maamul Ee Ay Allifeen Muuse Iyo Maxamed Kaahin.Iyo Qaabka Ay Wax U Wadaan Ee Omoska Iyo Awaaruhu Ka Boodayo.

Waa Kelmad Ay Bulshadu Caruur Iyo Ciroole Ku Hadaaqayaan.

Carrabka Bani Aadamku Waa Halis’e,Waa Kelmad Xambaarsan Habaar Culus..
(Allow Noo Sahal Amuuraha Dhaha)

Handaraabku Kuma Koobnaan Oo Keliya Hanaanka Maamul Ee Xukuumadda Balse Waxa Uu Saamayn Ku Yeeshay Dhammaan Dhinacyadii Nolosha Bulshada,

Waa Sicir Barar
Busaarad
Colaado
Shaqo La’aan

Dugsiyadii gaarka ahaa oo daraadood xilka looga qaaday xubno xilal sare ka hayay dawladda.
Biyo La’aan
Tafaraaruq Iyo Is Nac Bulsho
Siyaasadii Debeda Oo Soo Oodantay
Ardaydii Dugsiyada Dawliga Ah Oo Tiradii Ugu Badnayd Dhacday Abid.
Xisbigii Waddani Oo Maryaha Dhigay(Waashay)
Tirada Qoysaska Is Furaya Oo Kor U Kacay.
3dii Bilood Ee U Danbeeyay Maxkamadaha Degmooyinka Oo Jaam Noqday..
Gudoomiyaashii Maxkamadaha Oo Ku Guul Daraystay Inay Qoysaskaasi Ku Qanciyaan In Khilaafka Xal Kale Loo Raadiyo.

Sababta Furiinka Ayaa Ku Soo Biyo Shubatay Busaarad Handaraabka Dalka Saaran Awgii.
Dhaqdhaqaaqii Dhinacyada Nolosha Iyo Ganacsiga Oo Uu Soo Xidh Xidhay Muuse Biixi Kadib Kolkii Uu Maxamed Kaahin Kula Taliyay Sidii Siyaad Barre 1973kii Sameeyay  Ee Ilaa Kaalmihii Shidaalka Dawladdu Gacanta Ku Qabatay,Uu Isna Lasoo Wareego Hantidii Dawladda Ee Ay Gacanta Ku Hayeen Dadweynuhu,Marka Laga Reebo Wakaaladaha Korontada..

Meherado Tiro Badan Ayaa Kacay Ama Laab laabtay.Siday Culimadu Sheegayaan.
Xeerkii Kufsiga Lagu Sheegay Lkn Xaaraanta Ahaa Ee Uu Madaxweynuhu Saxeexay Oo Hordhacii Inkaartiisu Inagu Dhacday.Ayaa isna Ah Qodob Kale Oo Qayb Ka Ah HANDRAABKA

Sacad Cali Shire Oo Loo Dhiibay Wasaaradii Maaliyada,taasi Oo Lagu Macneeyay Handaraabkii Hore Oo Handaraab Kale Fuulay= Handaraab Laba Jibbaaran.ama handaraab fowqal handaraab.
Aakhirtu ayay Dadwaynuhu Leeyihiin ,Muu Jamaal Cali Xuseen U Dhiibo in kastoo uu nin jileec yahayHaddii  uu kollayba Madaxweynuhu caashaqa beeshiisa. khaasatan seediyaashii  ka badheedhayo.

MA OGTAHAYSE IN DIGREETADII U DANBAYSAY EE MADAXWEYNAHA  INAY SADDEX XIL OO UU MAGACAABAY BEESHIISA AHAYD

(laba agaasime guud iyo wasiir)…

.

Dad Badan Ayaa SAADAAL Xun ka Bixinaya Nooca Maamul Ee MUUSE IYO MAXAMED KAAHIN waxaanay tibaaxayaan in aanay Hoodo ama lucky Wanaagsan u lahayn dalka iyo dadka …Waxaanay kuu Sheegayaan dadka Garab daarka lehi,Inay yihiin rag soo halgamay dalkana xuquuq ku leh balse aanay hogaamintoodu hoodo inoo lahayn .

Dariiqa Qudha ee inoo furan ayaana  dadkaasi burhaanta lehi ku talinayaan ina tahay

DUCO IYO SHAADALI FARA BADAN OO AAN KALA GO’O LAHAYN MUDDO LABA USBUUC AH.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker