Maxaad kala socotaa 10 ka Qodob ee ay Dawladda FD Somalia Sheegtay inay Ku Heshiiyeen Ururka Colimada Ehlu Sunnah Waljamaaca

Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay in uu burburay heshiiskii ay dowladda Federaalka ee Soomaaliya la saxiixdeen.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka baxday heshiiskii ay la gashay maamul goboleedka Galmudug ee Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, waxayna taas ka door bideen weerar iyo dagaal cad”, ayaa lagu qoray warsaxaafadeed ka soo baxay ururka Ahlu Sunna.

Hadalkan ayaa imaaday ka dib markii ciidamo ka socday dowladda Federaalka ee Soomaaliya la geeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarrunta maamulka Galmudug.

Qoraalka ururka ayaa lagu sheegay, “dowladda waxay magaalooyiinka Galmudug kasoo buuxisay ciidamo ay garwadeen ka yihiin madax ka tirsaneyd argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo meesha ka saaray nabadgalyadii deegaannada Galmudug ay heysteen”.

Ururka Ahlu Sunna ayaa sheega in dadka deegaannada Galmudug ay ugu baaqayaan “in ay is difaacaan”.

“Ka dib markaan aragnay inay burbureen dhammaan heshiisyadii la galay, khatar weynna ay ka muuqato, waxaa loo sheegayaa, lana farayaa ciidamada qalabka sida iyo shacabka reer Galmudug inay u diyaar garoobaan difaaca naftooda, dadkooda, dalkooda iyo diintooda, ayna ilaaliyaan nabadgalyadooda faraha laga bixiyay”, sidaas waxaa lagu yiri war-saxaafadeed maanta kasoo baxay maamulka Ahlu Sunna.

Balse dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in uusan burburin heshiiska ay la saxiixdeen Ahlu Sunna Waljamaaca. Balse kama aysan hadlin arrinta Ahlu Sunna ay soo qaadatay ee ah “in ay Al-Shabaab geysay Galmudug”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ururka ku eedeeyay in ay “hadda ku hawlan yihiin in carqaladeeyaan shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug” oo dhawr goor oo hore dib u dhacay iyo inay dib ugu yeerato ciidankeedii la qarameeyay.

 

Shir uu ku qabtay Dhuusamareeb ayuu ka aqriyay heshiis ka kooban 10 qodob oo uu sheegay in uu yahay midka ay Ahlu Sunna la saxiixdeen.

Ururka Ahlu Sunna ma caddeyn in kuwan ay yihiin qodobada dhabta ah ee ay kula heshiiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya, Welina kama aysan shaacin waxa uu heshiiska ahaa.

Haddaba maxay kala yihiin qodobada ay dowladdu Sheegtay in ay ahaayeen kuwii lagu heshiiyay?

  • 1- Si loo helo kalsooni iyo jawi xasiloon oo suurta geliya qabashada doorashooyiin xor iyo xalaal ah, waxaa lagama maarmaan ah in hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed ee Galmudug ay si rasmi ah isaga kaashadaan sugidda amniga caasimadda Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa sheegay in qodobkaas uu yahay midka gaadhsiiyay in “400 oo ciidan ah  oo isku dhaf ah oo isugu jira Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka ah in la howlgeliyo”.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriya ayaana arrintaas u marqaati gashaday dadkii dhageysanayay ee uu kala hadlayay arrimaha heshiiskan.

  • 2- In ciidamada dowlad Goboleedka Galmudug loo sameeyo hannaanka diiwaangelinta iyo xaqsiinta sida mushaarka iyo agabka kale ee ciidan.

“Ciidankii lagu dhafay ee kan federaalka ah, kama xaq duwana, kamana agab duwana ciidanka Ahlu Sunna nooga yimid”, ayuu yiri wasiirka oo sharaxayay qodobkaas.

  • 3- In Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, sida kuwa gaarka u tababaran ee DANAB, Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka iyo ciidamada la diiwaan geliyay ee Galmudug, la isku dhafo si ay uga wada howlgalaan deegaanka Galmudug.

Wuxuu Wasiir Sabriye yiri “Haddii aanan sameyn, halagu qabsado”, isagoo ula jeeday in qodobkaas ay fuliyeen.

  • 4- In qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB iyo ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ay si rasmi ah ugu soo wareegaan xarrumaha magaalada Dhuusamareeb.

Wuxuu sheegay in qodobkaas uu yahay mid muhiim u ahaa heshiiska labada dhinac ay wada saxiixdeen.

Wasiirka ayaa yiri “ha bexeen miyaa qabata(ciidanka) inagoo qodobkaas ku heshiinay. Hadlimeyno haddii aysan bixin miyaa meeshan gali karta.”

  • 5- In agoonta ciidanka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka ay helaan daryeel dowladeed oo waafi ah.

Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa sheegay in qodobkaas aan weli waxba laga qaban. “Waa howl dhiman” ayii yiri.

  • 6- In magaalada Dhuusamareeb laga dhigo gogol nabadeed oo ay ka soo qeybgalaan dhammaan beelaha Deegaanka Galmudug iyo qeybaha bulshada sida Odayaasha dhaqanka, Culumada, Dumarka iyo Dhallinyarada.

Dowladda Federaalka ayaa horey u magacawday guddi qabanqaabiya shirkaas dib u heshiisiinta Galmudug. Wuxuu Wasiir Sabriye sheegay in weli ay socoto diyaarinta.

“Waa la isu imaanayaa waana la heshiinayaa. Heshiiskaas waa in uu nagu hoggaamiyaa doorashooyiin aan dowlad ugu dhisno Galmudug.”

Qodobada kale ee heshiiska waxay kala yihiin:

  • 7- Doorashooyiinka Galmudug waxay ka dhacayaan magaalo madaxda maamulka ee Dhuusamareeb.
  • 8- Wasaaradda arrimaha gudaha ee Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo madaxa Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo magacaabaya guddi farsamo ee xulista Xildhibaannada Galmudug. Guddigaas oo leh aqoon iyo qibrad maamul-dhisid ah iyo doorashooyiinka.
  • 9- In dowladda federaalka ee Soomaaliya ay dib u fasaxdo kaalmadii dhaqaale ee kabista miisaaniyadda Galmudug iyadoo la xaqiijinayo hufnaanta hannaanka maaliyadeed ee maamulka Galmudug.
  • 10- In Dowladda Federaalka ay ka qeyb qaadato dhismaha hay’adaha dowlad-goboleedka Galmudug si loo taaba geliyo dowlad wanaag iyo nidhaan hufan oo bixin kara adeeg bulsho.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker