Buuhoodle:-Dagaal Gaystay Dhimasho iyo Dhaawac Oo Mar kale ka Bilowday Deegaanka Horufadhi.

Hal qof ayaa ku dhintay afar qof oo kale-na way ku dhaawacmeen dagaal maalmihii lasoo dhaafay u dhexeeya laba beelood, BalseĀ  maanta gelinkii danbe ka bilaabmay duleedka Horufadhi oo waqooyi bari kaga beegan Buuhoodle.

Dagaalkan dib mar kale uga qarxay deegaanka Horufadhi ayaa la sheegay inuu ka bilowday nin habeenimadii xalay lagu diley magaalada Buuhoodle.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in aan weli si buuxda loo ogayn khasaaraha dhabta ah waxase ay xaqiijiyeen in rasaastii ay joogsatey, iyadoo ciidan beeleedkii ay dib u kala fadhiisteen, ayaa waxa laga cabsi qabaa inuu dib u bilowdo colaadaasi.

Dagaalkan ayaa dhabarjab ku ah gogol nabadeed oo labada beelood haatan lagu dhexdhexaadinayey, iyadoo ay halkaas ku sugan yihiin madax-dhaqameed, cuqaal, culimo iyo waxgarad si ay xal uga gaadhaan xiisadan oo mudo dheer soo noqnoqtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker