Madaxweynaha Turkiga Oo Fashiliyey Dilkii Jamaal Khashoggi

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan astaamo muujinaya in dilka suxufigii Sacuudiga ee Jamal Khashoggi uu ahaa mid qorsheysan, isla-markaana loo fuliyey si aad u fool xun.

 

Madaxweyne Erdogan oo xubno ka tirsan xisbigiisa AKP kula hadlayey Xarunta baarlamanka Turkiga, ayaa sheegay inaanu ku qanacsaneyn sheesgashada Sacuudiga ee ah in xubno ka tirsan sirdoonka dalkaas oo kaliya ay ka dambeeyaan Suxufiga lagu dilay Safaaradda Sucuudiga ee Istanbul.

 

Waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay diyaarinta qorshaha dilka billaabeen dabayaaqadii bishii September ka hor inta aan Khashoggi la dilin labadii bishan October.

Hadalkiisa ayaa waxa uu burinayaa kan Sacuudiga ee ahaa in Jamal Khashoggii uu ku geeriyooday gacan ka hadal gudaha Safaaradda Sucuudiga ee Istanbul ku dhex maray Weriyaha iyo Xubno Sucuudiyiin ah.

 

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale dalbaday in 18-ka qof ee Sacuudiga ay sheegeen in dilka loo xidhay, lagu maxkamadeeyo magaalada Istanbul oo dilka uu ka dhacay.

Erdogan ayaa sheegay inaanu wax shaki ah ka qabin daacadnimada boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis, wallow aanu hadalkaa sharraxaad ka sii bixinin.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in weli aan la aqoon halka uu yaallo meydka Jamal Khashoggi, wuxuuna Sacuudiga ka dalbaday inay shaaca ka qaadaan qof Turkish ah oo la shaqeeya oo la sheegay inuu Meydka qaaday.

Erdogan ayaan khudbaddiisa ku magacaabin Maxamed Bin Salman, oo qaar ka mid ah sharci dejiyayaasha Mareykanka ay dilka ku eedeeyeen, hase yeeshee waxa uu sheegay in Turkigu ayna soo xidhi doonin baadhitaanka kiiska dhimashada Khashoggi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker