Iiraan Oo Ka Cabanaysa Dawo La’aan Baahsan Oo ay Sababtay Cuna-qabataynta Dalkeeda Saarani

Gudiga sare ee dhanka Garsoorka iyo Xuquuqda Aadana ee dalka Iiraan ayaa Canbaareeyay wadamada Cunaqabateynta  dhanka Dawada ah  saaray Iiraan.

 

Cali Baqeyri Gaani oo ka hadlayay Shirka 43-aad ee Xuquuqda oo ka dhacay  magaalada Geneva  ee dalka Swizerland ayaa dilaa ku tilmaamay dalalka ka mamnuucay Daawada Dalkisa Iiraan.

 

Dhanka kale wuxuu sheegay in Cunaqabateynta Mareykanka ay tahay mid jaahilnimo ah oo aan laga fiirsan.

Mr Baqeyri oo hadalkiisa sii wata ayaa Xaqiijiyay in kumanaan ruux oo u dhashay Iiraan ay saameysay daawo yarida ay keentay Cuna-qabtaynta la Saaray dalka kiisa Iiraan .

 

Xukuumada Trump ayaa sanadkii 2018-kii ka laabatay heshiiskii wadamada quwadaha ee Mareykanka horboodayay ay la galeen Iiraan sanadkii 2015-Ka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker