Maxkamad ku taal dalka Nigeria oo dil ku xukuntay ganacsade Shiinees ah oo dilay gabadh ay saaxiibo ahaayeen

Maxkamad ku taal dalka Nigeria ayaa dil ku xukuntay ganacsade u dhashay dalka Shiinaha, kaddib markii lagu helay inuu dilay saaxiibtiis Ummu Kulthum Sani sannadkii 2022-kii.

Frank Geng Quarong ayaa laga helay qolkeeda ka dib markii uu dhowr jeer bilaabo ku dhuftay.

Dilka gabadhan oo 22 sano jir ah oo wax ka baranaysay jaamacada ayaa argagax ku beeray dadka reer Nigeria, waxaana kiiskan si dhow loola socday.

Xukunka dilka ayaa dhif iyo naadir ah in lagu fuliyo Nigeria.

Quarong waxa uu haystaa 90 maalmood oo uu racfaan kaga qaato xukunka.

Sadiiq Sani oo ah walaalka la dhashay dhibanaha oo ku hadlayay magaca qoyska ayaa ku tilmaamay xukunka dilka ah ee ay ku riday maxkamada Kano mid cadaalad ah.

Waxa uu sheegay in qofkii qof dila uu isna mudan yahay in la dilo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker