Wax ka Ogow Mucjisooyinka GobolkaTigraay ee Dalka Itoobiya

 

Colaadda Gobolka tigray ayaa weli taagan inkastoo dowladda Itoobiya ay sheegtay in ay qabsatay magaala madaxda gobolka ee Mekelle.

Dagaalkaas waxaa ka dhashay Khasaare naf iyo maalba leh. Gulufkan oo u dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Itoobiya iyo xoogagga TPLF waxaa ku barakacay kummanaan shacb ah, kuwaas oo gaadhay Suudaan.

Haddaba muxuu gobolkan caan ku yahay?

Boqortooyadii Aksum waxaa xurun u ahaa gobolkan: Waxaa lagu sifeeyey mid ka mid ah ilbaxnimadii ugu waaweynaa ee horay u soo maray dunida. waxay mar ahayd dowladdii ugu xoogga badneyd ee u dhexaysay boqortooyooyinkii Roomaanka iyo Beershiya.

2. Burburka magaalada Aksum oo ay Hore u Calaamadisay  Hay’adda Aasaarta ee Qaramada Midoobeey ee UNISCO.

Hadaba  inta u dhaxeysa Qarnigii 1aad iyo kii 13aad ee AD, waxaa ku yaallay Dhismayaal waaweyn, qalcado, qabriyo boqortooyo iyo kaniisado.

3. Inta badan dadka ku dhaqan gobolka Tigray waa masiixiyiin haysta madhabta Orthodox-ka ee Itoobiya: Diinta masiixiga ayaa gobolka Tigray lagu beeray 1600 oo sannadood ka hor.

4. Luuqada ugu weyn ee gobolka waa Tigrinya, taasi oo ay ku hadlaan ilaa toddoba milyan oo qof oo ku nool dunida.

5. Sisinta waa dalagga ugu muhiimsan ee ka baxa gobolka: Waxaa loo dhoofiyaa Mareykanka, Shiinaha iyo waddamo kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker