Xaruntii Kaydka Radio Muqdisho Oo Dab-qabsaday

Muqdisho(OWN)-Dab laxaad leh ayaa qabsaday xarunta keydka cajaladaha ee Radio Muqdisho,waxaana jira khasaare uu dhaliyay dabkan.  Abaaro 10-kii Subaxnimo oo uu kacay dabkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay cilad dhanka korontada ah sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta wasaarada warfaafinta.

Masuuliyiinta wasaarada warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in daqiiqado kadib lagu guuleystay in la bakhtiiyo dabka kadib markii ay gaadiidka dab damisku la tacaaleen sidii ay u bakhtiin lahaayeen balse waxa ay sheegeen in uu jiro khasaare soo gaaray agabkii keydka yaalay.

Agab u badan cajalado maqal iyo muuqaal ah oo isugu jra gabayo heeso iyo taariikhda sooyaal ee dalka isla markaana nus qarni ka hor lagu keydiyay keydka Raadiyaha dowlada ee Muqdisho ayaa ah agabka kaliya ee fara-ku tiriska ah kana haray dhaxalkii iyo taariikhihii dalka wixii ka dambeeyey burburkii dowladnimo ee Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker