Wararkii Ugu Danbeeyey Sarkaalkii Ka Goostay Somaliland Korneyl Jamaal Baaxad , Korneyl Caare , Iyo Xaaladda Puntland iyo Somaliland

Korneyl Jamaal Baaxad oo ahaa Ammaan-duulihii saldhiga saddexaad ee ciidamada Milateriga Somaliland ee Gobolka Sanaag ayaa daraad galinkii dambe ka goostay Somaliland.

 

Korneyl Jamaal Baaxad oo watey tiro ciidamo iyo gaadiid gadaal ah ayaa ku biiray Korneyl Saciid Cawil (Caare) oo bilowgii sanadkan Somaliland kala goostay ciidamo ay isku heyb yihiin, hadana saldhig ciidan ka sameystay meel u dhow magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland.

 

Saraakiishan oo heyb beeleed wadaaga ayaa ka goosashadooda Somaliland ka dambeysay cabasho ka dhalatay collaadii degmada Ceel-afweyn ku dhexmertay labo beelood oo deegaankaas wada dega, kadib markii Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin lagu eedeeyay inaanay  dhexdhexaad ka ahayn collaadaas.

 

Labadaas Sarkaal oo ka cabanaya wasiir Maxamed Kaahin ayaa waxaaa  Korneyl Caare uu  dhawaan ka hadlay goosashadiisa, isagoo  horay u ahaa Ammaan-duulihii saldhiga saddexaad ee ciidamada Milateriga Somaliland ee Gobolka Sanaag ee ka horeeyay Korneyl Baaxadkii ka  goostay ayaa dhawaan markii ugu horaysay cadeeyey inuu cilaaqaad la sameeyey Puntland uuna saldhig ciidan weydiistay.

 

Korneyl Caare ayaa sheegay in uu urursanayo ciidamo uu sheegay inuu kula dagaalami doono cadaalad daro ka jirta Somaliland, maamulka talada haya ee Somaailand ayuu ku eedeyey mid kala ka xeeyey Somaliland, wuxuuna guud ahaan dadka gobolada maamulkaas ugu baaqay inay ka gadoodaan wuxuu ugu yeeray cadaalada darada ka jirta Somaliland.

 

Sidoo kale Korneyl Saciid Caare wuxuu tilmaamay inuu hadda ku sugan yahay magaalada Qardho ee Puntland uuna halkaas u joogo arrimo ciidan.

 

Collaada Puntland iyo Somaliland oo maraysa meeshii ugu xumayd?

 

 

Somaliland iyo Puntland ayaa walba  aaminsan yahay in gobalka Sool  yihiin qayb kamida dhulka uu ka arimiyo, wuxuuna khilaafkoodu soo maray mar xalado kala duwan oo ah collaad iyo deganaansho, balse collaadii ugu xumayd ayaa tan iyo bilowgii sanadkan ka alloosnayd gobalka Sool, iyadoo labada dhinac ku dagaalameen deegaanka Tukaraq ayna isaga dileen in ka badan boqol askari oo labada dhanba ah.

 

Puntland waxay tobankii sano ee ugu dambaysay ku eedaynaysay  Somaliland  inay gadaal ka taagan tahay kooxda Al- shabaab ee ka dagaalanta buuraleyda Galgala ee Puntland waxayna marar kala duwan ku cel-celisay inay hayso cadaymo buuxa oo muujinaya in kooxdaas saldhigooda rasmiga ee laga soo dagaal geliyo uu yahay deegaanada Somaliland, waxay sidoo kale sheegtay Puntland in kooxdan ay ka barbar dagaalamaan saraakiil ka tirsan ciidamada milateriga Somaliland.

 

Somaliland ayaa iyana dhawaan markii ugu horaysay ku eedeeyey Puntland inay hiil iyo hooba siinayso Korneyl ka goostay oo ciidamo hubaysan ku urursaday deegaano ka tirsan galbeed gobalka Sanaag.

 

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Ciise Axmed Xawaare ayaa sheegay in Korneyl Caare uu ka shidaal qaato magaalada Qardho uuna hub xoogan ku urursaday meel aan ka fogeyn Qardho uuna doonaayo inuu soo weeraro Somaliland.

 

Dhanka kale Ciise Axmed Xawaare Wasiirka gaashaandhiga Somaliland ayaa ku hanjabay inay talaabo adag ka qaadi doonaan Korneylkan oo uu ku tilmaamay inuu baxsad yahay, wuxuuna Puntland ku eedeeyey inay saldhig lagaga soo duulo Somaliland ay ka samaysay meel aan ka fogeyn magaalada Qardho.

 

Korneylka labaad ee shalay ka baxsaday Somaliland kuna biiray kii hore ayaa xaalada sii adkeynaya, waxaana maamulku Somaliland marakan ku furmay furin dagaal oo horleh, waxayna ka sii welwel sanyihiin in Saraakiil kale ay ka goostaan.

 

Marka la eego arimahan oo dhan waxay u eg tahay in labada dhinac Somaliland iyo Puntland ay marayaan xiliyadii ay Itoobiya iyo Soomaaliya isku hubaynaayeen jabhadaha hubaysan.

Korneyl Jamaal Baaxad  Iyo Korneyl Caare

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker