KALSOONIDA LAGU QABO MW MUSA BIXI WAA FAWQ-ALNAKHAL – DHALIILO SE WAY JIRAAN

KALSOONIDA LAGU QABO MW MUSA BIXI WAA FAWQ-ALNAKHAL – DHALIILO SE WAY JIRAAN
Muddadii koobnayd ee Muuse xilka hayay, Somaliland wax usoo kordha mooyee ,wax ka dhacay lama sheegi karo..
Madaxwaynuhu si xikmadi ku jiro, ayuu u soo celiyay dhulkii iyo hantidii dawladda – Haamihii Berbera, Shaybaadhkii, Adegyadii Airportka , Diiwaan-galinta Hantida Dawladda. Musuqmaasuqii HANDRAAB ayuu sudhay. Qaylada aad maqlaysaa waa tuugtii oo nonqottay Haad Geed Waayay.
Dhaqaalihii iyo dakhilgii dawladdu kor ayay u kaceen. Shilinkii Somaliland waa la dajiyay – Marka loo eego dawlado gobolka aad ayaynu u wanaagsannahay.
Odoroskii Miisaaniyadda ee lagu talo-galay 2018 oo dhan, bishii 8aad ayaa la soo xareeyay . Sidaa awgeed waxa la filayaa in Mushaharka shaqaalaha 100% illaa 200% la kordhiyo( الخير واجد()
Beerihii, Biyihii, Degaankiii , ingaadhsiintii hawlo balladhan ayaa ka socoda.
Tukaraq : Waa goob Istratiji ah oo Somaliland gacanteeda soo gashay. Puntland 10 bilood ayaa garba-duub loo hayaa, waxay leedahay waan dagaalmayaa. Illa hadda ri’gees kamay ridin. Sheekadu waxa noqottay SHAAGLE LAGA BAQAY IYO JAMAL CABDUNAASIR – 1956
Badhan: Waa mashruuc Ina Gaas ku doonayo in doorashada Puntland dib loogu dhigo. Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin looga warrami maaayo goorta iyo goobta lagu dagaalammo. Sheikh Cirro oo loo dhiibo ayaad garan lahayd – oo sheikh Ismailna la tallinayo.
Dekadda Berbera iyo Ganacsiga Ethiopia: Ballaadhintii Dekadda dhawaan ayaa la bilaabayaa . DP World oo Djibouti dhulka la dhacaday ayaa goáan ku gaadhay inay Bebera cirka gayso ( مسائب قوم عند قوم فوائد) . Berbera Waxay ku socotaa halkii uu sheegay Richard Burton 1853 (165 sano ka hor) markuu lahaa “Äwrka Berbera iyo Awrka Herer way isu Muuqdaan”. Waxaa la filayaa oo weelka loo culayaa inay soo noqdaan Abbaanadii iyo Kabaadhe Iidoor.
Pertolka iyo Gaasta : Ceelkii petrolka ee ugu horieeyay ayaa la qodayaa badhtamaha 2019. Wadahadalba haadkaasa ka Hadhay.
Saami qaybsiga: Waa Mashruuc Baad iyo sadbursi lagu raadsanayo. Dhawannna waxa ku soo biiray mashuuc Xamaraysan oo ku doodaya: “Amma baad keena ama Farmaajaan u tagiyaa” . Somaliland runta ha isu sheegto. Waa halkii MD Igaale: “Qaawanida ayaynnu ku wada hadli ”:. Cidda saami ka maqanyaha dadka ha ka dhaadhciso siday u xisaabtantay. Awdal ayaa ugu qaylo dheer . Maxaa ka maqan oo tifiq-tiran ummadda ha u sheegaan. Gobolka Awdal 5tii doorasho ee la qabtay, Somaliland waxay ka noqdeen 14% ilaa 15% . Parlimankana reer Awdal waxay manta ku fidhiyaan 13 xubnood oo u dhigma 16% tirada Parlamaanka. Adeer, iyagaaba dheeraad la socdaa ee qaylada ha joojiyaan. Runta ha lagu wada hadlo oo khayaalka iyo abhinta ha laga baxo. Haddii kale “Wuxuu Idhi Aw Gaas: Wallee in Meel Dheer Laga Dooni”. Somaliland ninna laga laaluushi mayo . Danbaa isu keen keenttay ee waddanka aynu wada illaashanno. In badan ayaan dhagaystay doodad reer Awdal. Reer Awdal waxay ka badin waayeen “”Bari hore ayaa ballan naloo qaaday” : Hadii ballankii bari hore la idiin qaaday khalad ku dhisnaa oo dhibaato iyo burbur keenayo, waa laga noqonayaa ee la fulinmaayo.
Doorashooyinka : Waxaan qabaa in doorashooyinka la qabto xilligoodii . Arrinkaas Madaxwaynaha Xil gaar ah ayaa ka saaran. Guddida Doorashooyinka 2 xubnaad waa lagu dari . Haseyeeshe UCID iyo Wadani soo magacaabi maayaan . Waxaan odhan lahaaa, labada xubnood Mid ha soo doortaan Golaha Parlamaanku , midna Golaha Maayardu.
Shaqo-qarran: Shalay oo u dammbaysay waxaa lagu dhawaaqay inay xukuumadda Somaliland 1,500 oo ardayda oo jaamacadaha ka baxay u qaadanayso Shaqo-qaran (National Service Program). Waxxaa barnaamj ballaadhan oo qotto-dheer ( omprehensive ) oo loogi talo galay: Tababar & Jarayn, u diraayin Shaqo iyo Nolol, Waddaninmo & Dal iyo Dad Barasho , Isdhex-gal bulsho, Rajo-galin & shaqo Garantee ah.

Allahumma Zidna, Wa Baarik Lanaa
Xasan Cabi Yousuf
Riyadh Saudi Arabia
Hassan_ayousuf@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker