Bandhiggii Hayb-sooc oo murugo isku baddelay.

Abwaan Yuusuf Shaacir ayaa bandhigga noo furfuray oo maanso kooban madasha ka tiriyay iyo xilgii barnaamijka hay-bsooc uu bilaabay.

 

Aqoonyahan Barkhad Jaamac Batuun ayaa qiso murugo leh dadka la wadaagay, waxana uu yidhi ” Anigoo jaamacada Hargeysa dhigta kuliyadda shareecada ayaa macallin cashar noo dhigayay, tusaale u soo qaatay haddii qof Addoon ahi qof kale dilo looma dili karo. Ardaydii baa tusaalihii aad u fahmi weyday dabadeedna waxa uu tusaale ku bixiyay, haddii qof Isaaqii qof Midgaan ah uu dilo looma dili karo qofka Isaaq. Fasalkan kaliday baa dhigta wax beeshaa ka socda, waxa igu dhalatay ma baxsataa mise daaqadaad ka baxdaa oo xaalad naxdin leh iyo murugo leh bay igu noqotay buu yidhi “.

 

Waxa isna hadalka ka dabo qaatay Wasiirka Wasaaradda Caafimaad Mahdi Cismaan Buuri, hadalkii markii uu qabsaday wuu qiirooday.

 

Waxana uu tusaale u soo qaatay dhacdo kale oo Barkhad Jaamac Batuun ku dhacday isaga oo yidhi, ” Wiil ayaa Barkhad Batuun ku yidhi waar halkeed maalmahan xaggeed ka dhacday ?

Barkhad ayaa ku jawaabay jaamacada Hargeysa ayaan galay.

Jaamacada maxaad ka barataa ?

Sharciga ayaan ka bartaa.

Oo markaa yaa timaha noo xiiraya markaad sharciga dhigato “.

 

Intaa markuu yidhi waxa goobtii oohin iyo qiiro kaga kacay Barkhad Jaamac Batuun, oo xamili kari waayay dhacdadii uu Wasiiku ka sheekeeyay, Waxa isna ka daba kacay Wasiir Cismaan oo qiiroonaya ayaa isna kacay oo goobtii dibada uga baxay.

 

Madashii waxa ay ku dhammaatay murugo iyo qiiro iyadoon xafladdii dhammaan ayay dadkii mar la dareereen Barkhad iyo Wasiirka qiirooday.

 

WQ: Muhsin Abdilahi Yousuf

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker