Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa Oo Ka Hadlay Khaasaraha Ka Dhashay Duqaymo Uu Ku Garaacay Goobo Al-shabaab Xarumo U Ahaa

Muqdisho (OWN) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay duqeymo xalay ay ka  fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa soo saaray war saxaafadeed ay ku cadeynayaan in ku dhawaad lix duqeyn oo lala  eegtay Al SHabaab ay ka dhaceen gobolka Shabeelaha Hoose.

Labo kamid ah duqeymahaasi ayaa la sheegay inay ku dhaceen deegaanka Kuunya Barow iyo degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in lala eegtay goobo Al Shabaab ay canshuuro ku qaadayeen.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo Wadajir ah ay burburiyeen xarumo Al Shabaab ay dadka canshuuro uga qaadi jireen.

Duqeymaha ayaa sidoo kale talisku sheegay in lagu dilay labo kamid ah Al Shabaab kuwaasi oo ku sugnaa goobaha duqeymaha ay ka dhaceen.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa soo bandhigay sawirada duqeymaha ka dhacay Shabeelaha Hoose, iyaga oo sheegay in dad rayid ah ay waxyeelo kasoo gaartay duqeynta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker