SALEEBAAN SHAQAQDA KAMUU TEGIN EE SHAQADA AYAA ISAGA KA TAGTAY.

Imika  hal todobaad bay socotay Saleebaan Gaal wuu dhiibay istiqaaladii Gudoomiyaha Guurtida  arinkaasi waa xaqiiqo  waxaa u caddayna kol haddii uu isagu  odhan  waayey ma jirto istiqaaladaasi isagoo xafiiska fadhiya waa dhab kuwan kalee leh ma jirto  waxaa uun ay daydeyayaan oo ogaanayaan cidda meesha rabta inay ogaadaan.  Saleebaan shaqada  kamuu  tegin  ee shaqada  ayaa isaga iskaga tagtay  markii  Xooggii iyo awooddii iyo fikirkii adduunka ka gabaabaabsi soo gaadhay. Markaa wadanka iyo horuumarka ummadda waxaa  dani ugu  jirtaa  hubaal  shaqsi sifooyinkii uu lahaa Saleebaan Gaal  oo dhan ka duwan oo noqda qof nabadeed qof diimeed, qof aan qalaf sanayn qof samatalis ah oo dhalinyarada reer SOMALILAND aad u jecel oo ay ku daydaan. Qof aan qabyaaladda hurin ee qabaail mideeyah qof institutions ku wada sida distoorka ku xardhan een baal marin sida SALEEBAAN  lagu bartay afkiisa iyo adinkiisaba qof gobol walba odayadooda iyo wax garadkooda u taga la shira mid mid u yaqaan. Qof  dabkasta bakhtiiya. Gudoomiye Guurti uma baahna qof siyaasadda Somalida ee aynu xaalkeeda wada ognahay qof isu qaawiyey oo cid badani neceb tahay waxay waxaa loo baahanyey qof qalbiga dadka reer SOMALILAND oo dhan ay ku soo dhacdo laabtooda NOOLAATAY YIDIDIILADII NAXASHKA SAARAYDE. SALEEBAAN Gaal  habeen qudha lama arag isagoo dad dhexgal sameeyey,  dhalinyaro iyo arday weligii meel ay joogaan Laguma arag, reer miyi iyo xoolo iyo dhaqan Somali meel ay joogaan habeen laguma Arag,  colaad meel ka dhacday iyo odaynimo iyo ardaa fadhiisi laguma arag, dumar iyo caruur iyo qaxooti laguma arag,  heshiis jabhadeed iyo Xukuumad laguma ag arag markaa kama uu duwani  shanta kun ee dhagax  ee  xuduumadii reer SOMALILAND meelahaa dhigdhigaan xitaa degmaduu ka soo jeedo ragbaa markay caruurtii waxay afka u geliyaan waayeen geed caruurta u dhaw iska soo dedelay isagoo ka hadalaya lama arag. Talaabo qudha oo ummadda  dhex socda lama arag  IMIKANA SHAQADA  KAMUU TEGIN ISAGUYE SHAQADAA ISAGA KA TAGTAY.

WAXAA JIRA RAG BADAN OO WADANKA KASOO SHAQEEYEY TAARIIIKH DHEER OO NABADAYN IYO DAGAAL  IYO  KHIBRADBA LAGU OGYEY  OO BUUXA.  RASUULKEENII MAXAMED  AHAA (CSW) wuxuu  inagula dardaarmay  Madaxnimada  qofka  soo doonta ha siinina  ee waxaa  sii saan qof ka aa idinku la doonataan.  Aniga qof qudhaa igaga wanaagsan Gudoomiyaha Guurtida waa WASIIRKII DAAKHILIGA EE HORE DUUR CARAALE LAAKIIN  WAXAA JOOGA INA GUURE WAXAA JOOGA PROF YAASIIN WAXAA JOOGA DHEGA WEYNE , WAXAA JOOGA XASSAN CIISE JAMA, WAXAA JOOGA  Mujaahid Hasan Dayax DAD BADAN OO DADKA ISU KEENI KARA MADAXWEYNAHANA KA JOOJIN KARA  CAAGADAHAN UU TÙURTUURAYO IYO WIXII LA MIDA.
WADANKA SOMALILAND wuxuu u baahanyey chapter cusub iyo dhiig cusub  uma baahna afartan isriixriixaayey 10kii sano ee u dambeeyey ee isnacay dadkiina isnacsiiyey.
Wadanka SOMALILAND  wuu ka qaalisanyey  Maamul goboleedyada kale oo dhan marka lagu daro Dawladda Federal ee caalamka ku weyn Somali dhexdeedanana aad iyo aad u naqan oo oo u Italy daran laakiin madaxdii reer SOMALILAND  intii Riyaale ka dambeysay Dawladnimo la  yabyay oo soo kacaysay bay hoos u celiyeen oo ka dhigeen dal shacab qayb qayb sani ku noolyey waxay soo kordhiýeen waa dhul la dayrdayrto  iyo jagooyin boqol fayl loo sameeyo oo la isku qabqabsado.
Maqaalkanani was shahaado xilmagudashadii SALEEBAAN ee 16 sano oo Distoorka reer SOMALILAND aan waafaqsanayn laakiin uu xaq u yeeshay.
M Bashe
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker