Xubnaha Baarlamaanka Dalka Hong kong oo Gacanta Isula Tegay Dagaal ayaa maanta oo Sabti ah ka dhex qarxay Xildhibaannada baarlamaanka Hong Kong kadib Dood adag oo ay Ka Yeesheen waxka badalka Sharciga Wadankaasi.

 

Dagaal ayaa maanta oo Sabti ah ka dhex qarxay Xildhibaannada baarlamaanka Hong Kong kadib markii ay isku khilaafeen qorshe lagu doonayo in wax looga baddalo sharciga, si loo oggolaado in dadka la tuhunsan yahay loo gacan galiyo dal weynaha Shiinaha.

Dhowr xildhibaan ayuu soo gaaray dhaawac waxaana mid kamid ah loola cararay Isbitaalka xilli ay mudaneyaasha isku fara saareen golaha baarlamaanka gudihiisa.

Dadka wax dhaleeceeya ayaa aaminsan in isbaddalka sharciga ee horeseedaya gacan galinta eedeysaneyaasha uu waxyeello u geysanayo madaxbannaanida Hong Kong.

 

 

Hase ahaatee mas’uuliyiinta ayaa sheegaya inay isbaddalkan u doonayaan si ay u Taiwan ugu dhiibaan qof lagu tuhunsan yahay inuu dil geystay.

Xildhibaan taageersan xukuumadda Beijing ayaa falka dhacay ku tilmaamay inuu yahay “maalin murugo leh oo soo martay Hong Kong”.

 

 

 

 

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay markii qaar ka mid ah xildhibaannada ay kuraastooda ka dul boodeen ayna weerareen mudaneyaasha kale ee kasoo horjeeday.

Qof walba waxa uu doonayay inuu maamulo Makarafoonka lagu hadlayay, si uu u xoojiyo fikirkiisa.

Waxaa goobta xilligaas ku sugnaa koox wariyeyaal ah oo si toos ah u tabinayay dhacdada.

 

 

 

Xildhibaan u dooda dimuqraadiyadda oo lagu magacaabo Gary Fan ayaa istaagga ka dhacay waxaana goobta looga qaaday bareelle, halka xildhibaan kale oo xukuumadda Beijing u ol’oleeyana goor dambe la arkayay isagoo ay fgacanta ka duuban tahay.

Maxaa isbaddalka loogu sameynayaa sharciga?

Hong Kong ayaa dhinaca sharciga uga duwan dhul weynaha kale ee Shiinaha intiisa kale, waxaana ay ku dhaqmaan nidaam lagu magacaabay “Hal waddan, labo nidaam”.

Carrie Lam waxay u doodeysaa in sharciga la baddaloCarrie Lam waxay u doodeysaa in sharciga la baddalo

Xukuumadda Beijing ayaa maamulka kala wareegtay gumeystihii Britain sanadkii 1997-kii, waxaana markaas shuruud looga dhigay inay maamulkooda madaxbannaani u siiso muddo 50 sano ah, marka laga reebo arrimaha dibadda iyo difaaca.

Balse haweeneyda hoggaamiyaha ka ah Hong Kong ee taageersan siyaasadda xukuumadda Beijing Carrie Lam ayaa horaantii sannadkan ku dhawaaqday qorshe isbaddal loogu sameynayo sharciga si ay suurtagal u noqoto in dadka la tuhunsan yahay loo gacan galiyo Taiwan, Macau ama dhul weynaha Shiinaha.

Waxay sheegtay in marka isbaddalka la sameeyo kiisaska mid mid loo kala gudbin doono.

Ms Lam ayaa tusaale usoo qaadatay kiis ku saabsan nin 19 jir ah oo u dhashay Hong Kong, kaasoo lagu eedeeyay inuu dil u geystay xaaskiisa oo uur leh xilli ay fasax ku jireen gudaha Taiwan, kahor inta uusan soo baxsanin.

Iyadoo Taiwan ay dooneysay in loo soo gacan galiyo ninkaas ayey Hong Kong mas’uuliyiinta sheegeen inaysan tallaabadaas qaadi karin maadaama aysan Taiwan la lahayn wax heshiis ah oo dhigaya in eedeysaneyaasha la isku gacan galiyo.

Hooggaaamiyaha Hong Kong ayaa ku doodday in sharcigan haddii la baddalo ay arrimahaas si wanaagsan u hirgali karaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker