Sarkaal Ka Tirsanaa ilaalada Madaxweynaha Puntland Oo Dalka Dibadiisa iska dhiibay

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay wuxuu dib uga soo laabtay Itoobiya iyo Imaaraadka, isaga oo lagu soo dhaweeyay magaaladda   Garowe.

Illo wareedyo aad loogu kalsoon yahay ayaa   sheegaya    in mid kamid ah ilaaladda qaaska ah ee Deni u raacay safarkaasi uu goostay, isla markaana uu iska dhiibay Imaaraadka.

 

Xogta ayaa intaasi raacineysa in shaqsigaasi magaciisu yahay Jaamac ay aad isugu dhowaayeen madaxweynaha, balse waxaa aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ku kaliftay in uu talaabadaasi qaado.

 

Isku dayo uu ku doonayey Deni in uu ku hor-istaago ayaa fashilmay markii mas’uuliyiinta Imaaraadka ay u sheegeen in aysan qabsi karin shaqsiga, wallow ay tibaaxeen in baaritaano kadib hadii uu dambi yeesho ay soo musaafurin doonan.

 

Sikastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo mid kamid ilaaliyeyaasha madaxda Soomaalida ay iska dhiibay wadamada caalamka, waxaana loosoo wariyay dhacdooyin noocaan oo kale ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker