Sidii Siyaad U Sadqeeyey Salaad Gabayre, Farmaajo Ma U Sadqeyn Doonaa Genaraal Saadiq Joon?

Saddexdii bishii Juulay ee sannadkii 1972, cabbaaro 8:00 subaxnimo, oo maanta laga joogo 49 sanno, ayuu Janaraal Maxamed Siyaad Barre si bahalnimo ah qudha uga jaray Janaraal Salaad Gabayre Kidiye iyo saddex sarkaal oo kale. Markuu dilka geystay Siyaad Barre wuxuu xukunkiisu jiray wax ka yar saddex sanno, waxaanu tijaabiyey heerka fal-celinta bulshada degan Muqdisho siday ka yeelaan. Sidaasi oo kale Sayid Maxamed Cabdille Xasan ayaa Garaad Cali oo Dhulbahantoo dhan u taliya ku deldelay Laascaanood sannadkii 1899. Waxaanu yidhi” Wallee Nugaal laba baar qab kama wada taliyaan”.

Wixii intaa ka dambeeyey Dhulbahante Sayidka wuu ku daba-faylay. Waa dhaqan ay leeyihiin keligood-taliyeyaashu inay marka hore qudha ka jaraan shakhsi miisaan ku leh bulshada ay u socdaan inay afka jebiyaan si looga baqdo. Ka fal-celintii uu Dhulbahante kaga jawaabay waayey dilkii Garaadkoodii ugu sarreeyey Garaad Cali iyo dilkii Siyaad Barre u geystay Janaraal Gabayre ee ay Hawiye ka fal-celin waayeen, waxa ay keentay inay labadaa keligood-taliye sii kibraan oo ay xukunkoodii naraxiista darnaa sii wataan.

Dhacdooyinka taariikhu si bay isku shabbahaan, maanta waxa taagan is-marin waaga u dhexeeya Saadiq Joon oo hore u ahaan jiray taliyaha booliska gobolka Banaadir oo isku dhac dhexmaray isaga iyo Farmaajo, taasi oo keenay in xilkii iyo derejadii si ficil aargoosi ah looga qaado. Saadiq taasi beddelkeeda ciidamo taabacsan ayuu la goostay oo la galay xaafadiisa Shiirkole ee Muqdisho, si uu isaga difaaco haddiiba ay soo weeraraan ciyaalo-eyda Farmaajo soo tababartay ee Hadhimacadka la yidhaa.

Madaxweyne Goor Goor ayaa bilowgii hore ee  isku dhaca Farmaajo iyo Saadiq kala badbaadiyey, hasayeeshee Farmaajo ayaa ka baxay ballantii ahayd in Saadiq aan la weerarin dooni oo ay dawladu ammaan siinayso. Mar kale ayey isaga iyo ciidankiisi ku noqdeen xaafadiisii Shiirkole, si uu isaga difaaco weerarada uu Farmaajo ku doonayo inuu soo qabto ama dilo. Maanta su’aasha is-weydiinta mudani waxa weeyi, Farmaajo ma u suurtageli doontaa inuu Saadiq u sadqeeyo sidii Salaad Gabayre oo kale uu Siyaad u sadqeeyey, iyada oo tolkii ay daawadayaal ka yihiin?.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker