Ciidanka Itoobiya oo ka digay in dowladda la afgembiyo

Ciidamada Itoobiya ayaa ka digay isku day afgembi kaddib markii ay dowladda dib u dhigtay xilligii ay doorashada dhici lahayd oo ahayd August.

Ku xigeenka taliyaha ciidamada Janaraal Berhanu Jula ayaa telefishinka dowladda u sheegay in milatariga uu ka warqabo isku day qalalaaso, taas oo ku saabsan in dowlad rasmi ah aanay  jiri doonin wixii loo gaaro 10-ka October, xilligaas oo ay ku ektahay muddada dowladda haatan jirta.

“Xukunka waxaa keliya lagu qabsan karaa inay doorasho dhacdo. Wax kale ma jiraan. Ma jireyso dowlad ku emel gaar ah iyo wax la mid ah… Ha isku taagin ciidamada. Tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa ced walba oo isku dayda inay xukunka kula wareegto qaab aan dastuurka waafaqsaneyn,” ayuu yidhi janaraal Berhanu.

Bishii July, baarlamaanka ayaa kordhiyay muddo xileedka dowladda kaddib markii ay xildhibaannadu dib u dhigeen doorashada sababo la xidhiidha xanuunka coronavirus.

Halkan hoose ka daawo Faalo ku saabsan warkan

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta, oo ay ku jiraan kuwa ka soo jeeda gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Tigray, ayaa sheegay inaysan jiri doonin dowlad rasmi ah kaddib 10-ka October.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker