Hogaamiyaha Sare ee Iran, Aayatullaah Cali Khamenei Oo Hanjabaad Culus Diray

Hogaamiyaha Sare ee Iran, Aayatullaah Cali Khamenei, ayaa digniin ku sheegay in uu diyaar u yahay in dalkiisu ka baxo heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka hadii aanu danaha Iran faa’iido u lahayn.

Waxa uu intaa ku daray in Iran aanay rajadeeda ku xidhi doonin dedaallada reer Yurub wadaan ee ay ku doonayaan in lagu badbaadiyo heshiiskaas, ka dib markii Madaxweyne Trump Maraykanka ka saaray horraantii sanadkan.

Iran waxa si xun u saameeyey cunaqabataynaha cusub ee Maraykanku ku soo rogay tan iyo markii Maraykanku ka baxay heshiiskaas, waxaana uga sii daray shirkadaha shisheeyaha ah ee dalka ka baxay.

Iran waxay hore u sheegtay in ay isku diyaarinayso in ay dardar geliso barnaamijkeeda tayaynta Uranium-ka hadii uu fashilmo heshiiskii ay la gashay quwadaha dunida.

Madaxweyne Trump ayaa hore uga baxay heshiiskaa. Waxaana haatan u socda Iran iyo dalalka Yurub wadaxaajood la doonayo in lagu dabaqabateeyo heshiiskaa.

Laakiin wakaaladda tamarka nukliyeerka ee Iran ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin tallaabooyinkii ay qaadi lahayd ee ay ku tayaynayso Uranium-ka hadii wadaxaajoodyada socdaa guul darraystaan.

Ma aha markii koobaad ee Tehran ka hadasho suurto galnimada ah in ay dardar geliso tayaynta Uranium-keeda, waxaanay had iyo goor beenisaa in ay leedahay damac ay ku hanato hub nukliyeer ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker