Pompeo oo dhex-dhexaadinaya Labada Madaxwayne Ee Iskood Isu Cumaamaday ee Dalka Afganistaan

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa Booqasho aan la sii shaacin ku Tegey Isniinta maanta ah magaalada Kabul Ee Dalkaais Afgaanistaan , halkaasi oo la filayo inuu Dabada ka Riixo wada hadalada Nabadda ee Afghanistan iyo sidii xal loogu heli lahaa Qalalaasaha siyaasadeed ee Dalkaaso ka dib Doorashadii Madaxtinimada ee dalkaasi oo muranka dhalisay.

 

 

Pompeo ayaa la kulmi doona Madaxweyne Ashraf Ghani iyo Ninka la Tartamay ee ay is hayaan Abdullah Abdullah.

Ghani ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay Ninka ku guuleystay Doorashadii dalkaasi, halka Abdullah Abdallah  uu Gabi ahaanba Gaashaanka U Daruuray natiijada. Labada Mas’uul ayaa  Xaflado kala Gooni gooni ah Qabsaday ,Xafladahaas oo Mid waliba uu Ugu Dabaal degay inuu ku Guulaystay Madaxweyninimada Dalkaasi.

 

Booqashada Pompeo ayaa timid maalin kadib markii Mareykanka iyo Qatar ay gacan ka geysteen in saraakiisha Afghanistan iyo Taliban ay wadahadal toos ah ku yeeshaan dhanka alladaha muuqaalka ee internet-ka.

 

Zalmay Khalilzad, Ergayga nabada ee Mareykanka ee Afghanistan, ayaa sheegay in labada dhinac ee Dawlada Afghanistan iyo Taliban “ay ka Dhabeeyeen sida ay uga Go’an tahay yareynta rabshadaha,

wadahadallada gudaha Afghanistan, iyo xabbad-joojin dhameystiran oo joogto ah,” iyagoo la isla gartay in la qabto wada-hadallo dheeri ah labada cisho ee soo socota.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker