HANTI DHOWRKA QARANKA OO U MUUQDA KUWO LUMIYAY KALSOONIDII SHACBIGA.

HANTI DHOWRKA QARANKA OO BAADHIS KA BILAABAY LAASCAANOOD..WAXAANAY SHEEGEEN SIDAN:.

Xisaabiyihii Gobolka Sool Waxaanu Ku Soo Eedaynay Lunsi Hanti Qaran,Hase Ahaatee Wuu Fakaday.

Maamule Xigeenkii Kastamka Laascaanood,Isaga Waa La Qabtay.
Qasnajigii Kastamka Laascaanood Oo La Qabtay.

Masuuliyiintaasi Waxay Lunsadeen Hanti Lacageed Oo Dhan
82,436204-Shsl………..Laba Iyo Siddeetan Million,Afar Boqol Iyo Lix Iyo Soddon Kun Afar Boqol Iyo Laba. Shilinka Somaliland Ah….

CAJAA’IB

Marka Ay Caynkaasi Ummadda U Sheegayaan Hanti Dhowrka Qaranku Waxa Hargaysa Jooga Ilaa Imikana Aan Wax Tallaabo Ah Laga Qaadin,Agaasimihii Maamulka Iyo Lacagta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland,XASAN MAXAMUUD MAXAMED, Oo Ay Ku Cadaatay Inuu Lunsaday Lacag Ka Badan 1,500,000 Oo Dollarka Maraykanka Ah,
Hal Million Iyo Shan Boqol Kun Oo Dollar,

Inkastoo Ay Soo Eedeeyeen Hantidhowrku Masuulkaasi Falka Xatooyada Ah Ku Kacay,isla markaana lagu Xidhay xarunta CID-da
Hadana Waxa maalmo kadib Lagu Sii Daayay Damaanad…tiiyoo aan maxkamadba la geynin.

Waxaanu Xorriyad Ku Joogaa Banaanka,..

Kaaga Sii Darane Intii Uu Damaanada Ku Joogay Banaanka Waxa Uu Si Qarsoodi Ah Ugu Noqday Wasaarada Warfaafinta Somaliland,Halkaasi Oo Uu Ka Fuliyay Fal Aan Noociisa Hore

Loo Arkin Oo Ah Inuu Dhammaanba FORMUTE Gareeyay Ama Masaxay Computeradii Waaxda Maamulka Iyo Xisaabaadka Wasaaradaasi,Taasi Oo Sababtay In La Waayo Documentiyo Tiro Badan Oo Muhiim U Ahaa Hawlaha Shaqo Ee Wasaaradaasi.

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxa iska Cadaatay in Ninkaasi Boobka Iyo Tuugada Qaranka Kula Kacay..Odayaashii Xukuumadda U Goodiyay Ee Beeshiisa Ahaa…Fulintii Sharcigu ilaa Hadda Ay  U Rahman Tahay.iyaga

Shaafici Cabadi….Hargeysa….

Gaadhhaye SLN

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker