Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa oo Buundo ka Soo Saaray Gaadhi Ku Dhacay Gaar ahaan Degmada

Hargey ( OWN)-Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa Habeenimadii Xalay Gurmad u Fidiyay Gaadhi Noociisu ahaa Lancruiser Vx kaasi oo galay Laag u dhaw Warshada Masaabiirta Ee Degmada Koodbuur.

Gaadhigan ayaa markii uu Goobtaas Galay waxay Gurmad Soo Waydiisteen Ciidanka Dab-demiska Caasimada, waxaana Ciidanku isagoo adeegsanaya Gaadhiga Wiishka ee Badbaadada uu ku soo badbaadiyay Gaadhigaas.

Hogaanka Caafimaadka Ciidanka Dab-demiska Dr Naasir Cumar Cabdi ayaa Hawlgalkaa hogaaminayay.

Ugu dambayna waxaa halkaa mahadnaq uga Soo jeediyay ciidanka Dab-demiska Mulkiilaha lahaa Gaadhigaas.

Xafiiska Warbaahinta & Xidhiidhka Dadweynaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL

Hargeysa / Somaliland

990 Emergency Call

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker