Dawladda Kenya Oo Maxkamad soo Taagtay Ajaaniib Lala Xidhiidhyey Al-Shabaab.

Maxkamad ku taala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa bilowday dhegaysiga dacwad loo haysto afar ruux oo Hindi ah kuwaasoo lagu eedeeyay inay hub ka iibiyeen Xarakadda Al-Shabaab.

Wargeyska The Star ayaa qoray in raggan oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya haddana ay ku lug yeesheen kiis ah inay hub u gudbiyaan Al-Shabaab iyagoo kasoo gudbiyay xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in afarta ruux ee Hindida ah Sadex ka mid ah ay wada dhasheen waxaana la hor geeyay cadeymo Boolisku sheegay inay baaritaan ku ogaadeen.

Hubka ay Al-Shabaab ka iibiyeen waxaa lagu sheegay inay ku jireen qoryaha fudud iyo bambaanooyin sida boolisku sheegay.

Baadhitaan lagu sameeyay guri ay magaalada Mombasa ka degan yihiin ayaa boolisku sheegay inay ka heleen hub fara badan kaasoo qorshuhu ahaa in Soomaaliya loo soo gudbiyo kadibna Al-Shabaab laga iibiyo.

Magacyada Hindidaan lagu eedeeyay inay hubka Al-Shabaab u keeni jireen waxaa lagu sheegay Baktash Akasha, Gulam Hussein, Ibrahim Akasha iyo Vijaygiri Goswami

Eedeysanayaasha ayaa ayaa ku andacooday in hubka laga helay gurigooda ay isku illaalinayeen ka dib markii ay dhawr jeer la kulmeen hanjabaad ay sheegeen inay uga timid dad aysan garaneyn balse dacwad oogayaasha ayaa sheegay in hub fara badan oo intaas le’eg aysan suuragal aheyn in la isku ilaaliyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker