Puntland Oo Sheetay Inay Bixin Doonto Magta Gabadh Yar Oo Boolisku Toogtay

Waxa shalay Garoowe lagu aasay marxuumad Nadiiro Faysal Shire, oo da’deedu ahayd 15-sano jir, taas oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaadhay Rasaas Booliiska Puntland ku rideen dad muddaharaad ka samaynayay Garoowe, 26-kii December 2020.

Marxuumadda oo geeriyootay 2-dii bishan January 2021 ayaa mudda saddex maalmood ah ku jiray tallaagad, kadib markii dowladdu caddaalad u samayn wayday Qoska gabadha oo ka soo jeeda Beelaha la hayb-sooco, balse ugu dambayn waxay dowladdu aqbashay in ay bixiso Magta gabadha.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka Amniga Cabdisamad Gallan, oo lagu socod-siiyay wasaaradda Maaliyadda Puntland, islamarkaana la ogaysiiyay Qoyska Marxuumadda ,ayaa lagu sheegay in dowladdu bixin doonto Magta gabadhaas yar.

Waxaase xusid mudan, in aan weli laga jawaabin codsiga Qoyska ee ku saabsan in sharciga loo mariyo askartii dilka u gaystay gabadhooda, si ay caddaalad u helaan Qoyska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker