Dagaal ka dhex dhacay Ciidamada Itoobiya ee Ku Sugan Gobolka Hiiraan ee Dalka Somalia

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidamo ka wada tirsan kuwa Itoobiya ee  ku sugan Soomaaliya ayaa la Sheegay inay saaka ku dagaalamee Deegaanka halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

 

 

Ilo xog-ogaal ah oo xaqiijiyay dagaalka ayaa sheegay in uu salka ku haayo ,kadib markii la isku dayay in hubka laga dhigo Saraakiil iyo Ciidan ka soo jeeda Qowmiyada Tigreega oo ka tirsan cutubyada Ciidan ee dagan deegaankaas, hayeeshee ay ka biyo diideen.

 

 

Dadka ku nool degaanka Halgan ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta oo ka dhaceeysay Xerada Ciidamada Itoobiya ee degaanka, balse aysan wlei helin khasaaraha ka dhashay dagaalkooda.

 

 

Wararka ayaa intaasi ku darayaa in Ciidamada dagaalamay ay weli isku hor-fadhiyaan degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana dadka degaanka ay sheegayaan inay casbi soo wajahday, iyada oo horay dhowr jeer ay halkaasi ugu dagaalameen Ciidamada Itoobiya & Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

 

Dagaalkii Gobolka Tigreega ku dhex-maray Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo Kooxda TPLF ayaa saameyn ku yeeshay Soomaaliya, waxaana warar kal hore soo baxayay ay sheegayeen in Magaalada Baydhabo lagu xir xiray Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya, balse kasoo jeeda Qowmiyada Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker