Cristiano Ronaldo Waa Soo Laabtay! ,, Iyo Cabsidii Xalay

Atletico Madrid ayaa caawa marti ku ah garoonka Allianz Stadium ee ay leedahay kooxda marwada Da,da ah, balse waxey wajahayaan Cristiano Ronaldo oo dib uga soo laabanaya dhaawac uu kaga maqnaa kooxdiisa kulankii ugu dambeeyay.

Cristiano Ronaldo wax badan ayuu shabaqa Atletico Madrid soo taabtay, 34-jeer uu wajahay wuxuu ka dhaliyay 25-gool, afar jeer ayuu saddexley ka dhaliyay, sidoo kalana laba jeer ayuu ka qaaday koobka horyaalada yurub.

Inuu kulankan ciyaarayo kooxda Atletico Madrid waa u dhibaato, Sababtoo ah waxey ka mid yahiin kooxaha uu sida weyn ugu dhibateeyay garoomada kubadda cagta.

Marka laga reebo final-kii Copa del Rey oo ay Estadio Santiago Bernabeu kula ciyaareen Real Madrid, xiddigan reer Portugal goolasha uu kulamada kooxahiisa gurigooda uga dhaliyay waa 13-gool, 16-kulan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker