Afgambi Aanu Dhiig Ku Daadan Oo Ka Dhacay Dalka Myanmar

Militariga dalka Myanmar ayaa maanta xukunka dalkaas kula wareegay afgambi aanu dhiig ku daadan, iyaga oo xidhay hoggaamiyaha sida dimoqraadiga loo doortay Aung San Suu Kyi.

Waxay soo rogeen xaalad deg deg ah oo dalka uu ku jiri doono muddo sanad ah.

Afgambiga ayaa soo geba-gebeeyey toban sano oo dalka ay ka jirtay dowlad rayid ah, ayada oo militariga ay xukun qabsashada qiil uga dhigteen in la qiyaameeyey doorashadii dhacday November, taasi oo si weyn uu ugu guuleystay xisbiga NLD ee ay hoggaamiso Aung San Suu Kyi.

Afgambiga ayaa dhaliyey cambaareyn caalami ah, ayada oo dowladda Mareykanka ay ku baaqday in si deg deg loo soo celiyo dimoqraadiyadda.

Aung San Suu Kyi iyo madaxweyne Win Myint ayaa lagu xidhay magaalada caasimadda ah ee Naypyidaw aroortii hore, saacado kahor inta aanu baarlamanku yeelan kulankiisii ugu horreeyey tan iyo doorashadii November, sida uu uu afhayeenka xisbiga talada hayey Myo Nyunt u sheegay AFP.

Militariga ayaa xiray dhammaan waddooyinka caasimadda oo lagu daadiyey ciidamo iyo gawaari gaashaamaan. Waxaa sidoo kale la arkayey diyaarado helicopter ah oo ku duulaya hawada caasimadda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker