Guddi Hoosaadyada Guurtidda JSL oo ku Baaqay Wax ka Qabashada Xeerarka Duuga ah ee aan la Jaan qaadi Karin Wakhtigan

Mudanayasha Aqalka Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Maanta warbixin ka Dhagaystay Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada Xildhibaan Axmed Daahir Jirde oo ku hadlaayey Afka Guddoomiyayaasha Guddi hoosaadyada Golahaasi kaas oo Xildhibaannada uga warramay warbixin ay wadajir u diyaariyeen guddiyada aqalka odayaashu.

 

 

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa warbixin talo soo jeedin u badan halkaas ka soo ka soo jeediyey Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee aqalka odayaasha.

 

Xildhibaan Axmed Daahir Jirde wuxuu soo jeediyey In si degdeg ah wax looga qabto shuruucda gabowday ee aan waqtigan la jaan-qaadi Karin, kuwaasi oo ay ka mid yihin Xeerka ciqaabta guud, Xeerka madaniga ah, Xeerka mukhaadaraadka iyo dhaqan xumida,xeerka kala xadeynta gobollada iyo degmooyinka dalka.

 

Sidoo kalena wuxuu ku baaqay Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Guurtiddu In dib u eegis lagu sameeyo xeerka nabadgelyada guud ee dalka iyo in maxkamadaha hoos loo daadejiyo iyo in xabsiyo laga dhiso gobollada iyo degmooyinka dalka iyo in magaalada Hargeysa laga dhiso xabsi labaad maadaama ay magaaladu ballaadhatay.

 

Xildhibaan Jirde waxa kaloo uu sheegay in Guddi hoosaadyada Goluhu ay ku booriyaan Komishanka Xuquuqul-insaanku in ay xafiisyo ka furtaan gobollada dalka si ay xog ogaal ugu noqdaan bulshada. Geesta kalena warbixinta Guddi hoosaadyada Golaha Guurtiddu waxay xukuumadda ku booriyeen in la sii xoojiyo siyaasadda Arrimaha dibadda JSL iyo xafiisyada Wakiillada Somaliland ku leedahay dalalka caalamka.

 

Gabogabadii fadhigaasi ayuu Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ku wargeliyey inuu soo xidhmay kalfadhigoodii 69naad isla markaana goluhu geli doono fasax dhan 45 maalmood ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker