Hantidhawrka Oo Dib Loogu Celiyay Dacwadii Musuqmaasuq Ee Wasiiradii Warfaafinta Iyo Gaashaandhiga Ee Xilka Laga Qaaday

Xeer ilaalinta guud ee qaranka Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay hantidhawrka guud ee qaranka dib ugu celisay baadhis uu u soo gudbiyay oo ka dhan ahayd Wasiiradii hore ee warfaafinta Cabdiraxmaan Guribarwaaqo iyo Gaashaandhiga Axmed Yuusuf Xawar.

 

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale sheegtay inay ku jaho-wareertay dammaanad iyo cagajiid ku jira maxkamadaha dalka ee la xidhiidha arimaha musuqa, kuwaas oo ay sheegeen in dhibaato ay ka haysato qaabkii dacwadahooda loo gali lahaa iyo damaanad ay maxkamaduu ku soo daynayaan dadka musuqa ku eedaysan.

 

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud Mawliid Cabdi Muuse ( Maax) ayaa sheegay in aan ilaa hadda la hayn dad u xidhnaa arimo musuq maasuq oo maxkamadaha dalku ay sii daayeen, waxaanu  masuulkan oo ugu horayntii ka hadlaayay waxa ka dhex taagan iyaga iyo maxkamadaha dalka waxa uu yidhi“Waxaanu doonaynaa runtii inaanu maanta halkan kaga hadalno caqabad balaadhan oo naga haysata maxkamadaha, maxkamadan gobalka Maroodi-jeex waxa jiray eedaysanayaal loo haystay inay ku tagrifaleen hanti qaran, oo ay dhaceen baanka Berbera oo muddo dheer ay dacwadoodu socotay oo marka horena ay maxkamaduu damaanad ka qaadeen ilaa maxkamada sare,kiiskii markuu dhaqaaqi waayayna in guddoomiyha gobalka Maroodi-jeex uu dammaanadii kala noqday,dhinicii eedaysanayaashu waxay dureen guddoomiyaha waxaana loo wareejiyay garsoore Idirs Maxamed Maxamuud, anagu xafiis ahaan markii kiiskaas aanu si fiican u dhaqaajinay ee aanu cadaymii markhaatiyadii,faylalkii aanu maxkamada hordhignay ayaa markii la arkay inay dacwadaasi soo gabogaboobayso cadaymaha aanu maxkamada keenayna la arkay inay yihiin kuwo xoog badan in nimankii damaanad laga qaado, taas oo aanu anagu dareen ahaan qabno inay yihiin niman lagala ordaayo falkaas ay galeen, maadaama oo ay hantifaro badan oo si cad looga dhacay bangiga Berbera oo uu dhibane ka yahay bangiga dhaxe, kuwaas oo isugu jiray shaqaale bangiga ah iyo niman sariflayaal ah oo ay lee yihiin gacan saar. “

 

Waxa uu sheegay in xeerka musuq maasuqu aanu u ogolaanayn damiin dadka ku eedaysan arimaha musuqa, oo aan loo iibin karin xadhiga, isla markaasna aanay ka faa’idaysan karin cafis madaxweyne haddii uu xukun ku dhaco.

Xeer iaaliye ku xigeenka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ waxa ay noqotay inay maxkamadii si badheedh ah damaanad looga qaado, waajibaadkayaga ayuunbaanu ka gudanaynaa waana waajib in ay maxkamaduu ilaaliyaan sharciga waana ruuxdii sharciga, waxa nasiib daro ah maxkamadii sharciga ilaalin lahaa inay ku tuntaan sharcigii.”

 

 

Xeer ilaaliye ku xigeenka oo la waydiiyay lixdan qof ee ku eedaysanaa lacagta baanka Berbera intay leegtahay lacagta loo haystaa waxa uu yidhi“ lacagtu ma xadi ayay leedahay boqol kun oo milyan oo Somaliland ah ayay ku eedaysan yihiin.”

 

Waxa uu Mawliid Cabdi ka hadlay dadka damaanada lagu siidaayay ee baxsaday“Bangigii waa uu nala dul taagan yahay waxaanu na leeyahay maxay sidani u dhacday, markaas waa jaah wareer na haysta. caqabad weyn ayaa naga haysata damaanadaas way jirtaa oo waxa ugu danbeeyay kii madbacada oo ay damaanad maxkamaduhu ku sii daayeen, oo maxkamada sare aanu la galnay oo iyaduna ay ka ogolaatay damaanadaas, dacwad soconaysaana haba yaraatee ma jirto waxa la la’yahay kii damiintay, maxbuuskii lama hayo jaah wareer ayaa naga haysta.”

Ugu danbayntii Mawliid Cabdi Xeer ilaaliye ku xigeenka waxa la waydiiyay eedihii musuq ee wasiirada lagu haystay halka ay ku danbeeyeen“Runtii faylkaasi waxa uu u baahnaa cadaymo dheeraad ah waxaana lagu celiyay hantidharka guud waxii ka dhimana maadaama oo uu baadhis dheer galaayo, waxa uu ku maqan yahay dhanka hantidharaha guud.”

 

Axmed Yuusuf Xawar, Mawliid Cabdi Muuse ( Maax) Iyo Cabdiraxmaan Guribarwaaqo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker