Madaxwayne Muuse Biixi Oo Hambalyo U Dirtay Dawlada Iyo Shacabka Jabuuti
Madaxweynaha Somaliland Waxa Uu Shacabka Iyo Dawladda DJabuuti Ku Hambalyeeyey 43-guurada kasoo Wareegtay Maalintii ay Gobonnimada Qaateen.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray dawladda Jamhuuriyada Jabuuti oo ay ku beegan tahay Xuska sannad guurada 43-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.
Waxaa uu Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi shacabweynaha iyo Dawladda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan, innagoo ah laba dal oo jaar ah oo aad isugu dhaw haddana labadeennii maalmood ee xorriyadduna isku xigaan, waxa uu u rajaynayaa inay ku gaadhaan sannadkaa sannadkiisa horumar, bash-bash iyo barwaaqo.