Haweenaydii Ugu Horaysay Ee Soomaaliyeed oo Loo Xidhay Darajada Sarreeye Guuto.

Muqdisho-(OWN)-Ra’iisal wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudne Xasan Cali khayre oo wakiil ka ah madaxweynaha jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa darajada Sarreeye Guuto u xidhay Zakiya Xuseen Axmed oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee darajadaas ka gaadhta ciidanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dib u dhiska dalka, isaga oo sheegay in waqti dheer ay dadaal ugu jireen horumarinta qarannimada dalka, muhiimna ay tahay in loo qiro, si guusha qarannimada loo xaqiijiyo.

“Qaran quulaysanaya ma jiro haddii aan qayb waliba oo bulshada kamid ah xuquuqdeeda la siinin. Haddii gabdhaha Soomaaliyeed ay bulshada ka yihiin boqolkiiba konton oo aan duudsiinno xuquuqdooda, ma dhisi karayno Soomaaliya la tartami karta waddamada deriska ah”, ayuu yidhi ra’iisul wasare Xasan Cali Khayre.

“Gabadh walba oo Soomaaliyeed waxa aan leeyahay haku fekerina in aad noqotaan gabdho garaadda qaata, ee noqda madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha soo socda”, ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale darajooyin u xidhay saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliyeed oo tababarro ku qaatay gudaha iyo dibadda dalka si ay qayb uga qaataan dardar gelinta dadaallada adkaynta amniga dalka.

Agoosto 16, 2018 ayaa Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu darajada Sarreeeye Guuto u dallacsiiyay Zakiya Xuseen Axmed una magacaabay taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed, iyada oo noqotay gabadhii ee ugu horreysay ee derejadaas ka gaadha ciidamada ammaanka dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker